Puntland oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo
Puntland ayaa sheegtay in ay magaalada Gaalkacyo ka fulisay howlgal lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubaysan oo khatar… Sii akhri
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Puntland ayaa sheegtay in ay magaalada Gaalkacyo ka fulisay howlgal lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubaysan oo khatar ku ahaa amniga deegaannadeeda, sida ay hadalka u dhigtay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay warkan, iyada oo intaas lagu daray in howgalku weli socda oo faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono marka uu soo gabagaboobo.
Sida aan wararkii hore ku sheegnay ciidamada Puntland ayaa la wareegay xerada PSF ee ku taalla duleedka beri ee magaalada Gaalkacyo, taas oo saacadihii la soo dhaafay ay ku socotay duqeyn xooggan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay halkaas ku qabteen ciidan ka tirsan PSF iyo hub, waxaana soo gabagaboobay dagaalkii ka socday magaalada Gaalkacyo oo u badnaa madaafiic la isdhaafsanayay.
Dhanka kale hal qof oo shacab ayaa ku dhintay labo kalana waa ku dhaawacmeen hoobiyeyaal saaka ku soo dhacay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale ilaa shan askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa dagaalka ku dhaawacmay, halka dhanka PSF aan weli la ogayn khasaaraha gaaray.
PUNTLAND POST
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · gaalkacyo · puntland · war
Keep reading
Live story thread
Open live story- Puntland Releases Troops Captured in Gaalkacyo
Caasimada Online
- Puntland hands over detained federal recruits to Galmudug state
Hiiraan Online
- Maxaa ka cusub qaraxa lagu beegsaday taliyaha booliska Baydhaba?
Caasimada Online