Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Puntland oo shir amni ka yeelatay xaaladda Gobolka Bari iyo deegaanada maamulka
Bari – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Bari, kaas oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Boosaaso iyo masuuliyiin kale. Shirka ayaa si qoto dheer lo

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Bari – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Bari, kaas oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Boosaaso iyo masuuliyiin kale.
Shirka ayaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda amniga Gobolka Bari, gaar ahaan xoojinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, xakamaynta hubka sharci-darrada ah, la dagaallanka burcad-badeedda iyo tahriibka, iyo ka hortagga isku dhacyada iyo colaadaha beelaha.
Sidoo kale, waxaa looga hadlay horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga, bilicda iyo nadaafadda magaalada Boosaaso, banaynta waddooyinka xiran, kor u qaadista ilaha dakhliga Dowladda, la dagaallanka maandooriyaha, ilaalinta tayada daawooyinka iyo raashinka, iyo arrimaha dhul-daaqsimeedka iyo deegaamaynta.
Waxaa la adkeeyey mamnuucista in hub sharci-darro ah lagu qaato ama lagu dhex wato magaalooyinka Puntland.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.