Puntland: Yaa fuliyay howlgalkii lagu furtay markabka SIBU 1?
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in howlgalkii shalay lagu furtay markabka SIBU 1 ay wada fuliyeen ciidan ay keentay shirkadda… Sii akhri
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in howlgalkii shalay lagu furtay markabka SIBU 1 ay wada fuliyeen ciidan ay keentay shirkadda leh markabka iyo ciidamada PMPF ee Puntland.
Howlgalka ayaa lagu fuliyay labo markab oo qoryo saaran yihiin, kuwaas oo ay keentay shirkadda leh markab oo lagu sheegay shirkad uu leeyahay nin Ciraaqi ah.
Muuqaallo iyo sawirro la baayiyay ayaa muujinaya rag hubaysan oo carab ah iyo ciidamo Soomaali ah oo wada fuliya howlgalka lagu furtay markabka SIBU 1.
Puntland waxay hore u sheegtay in ay keligeed fulisay howlgalka oo ay qabatay 46 Burcad-badeed ah, islamarkaana ay dishay hal nin oo ka mid ahaa kooxda haysatay markabka.
Puntland ayaa saaka dekedda Garacad keentay maxaabiistii lagu qabtay howlgalka, kuwaas oo uu la wareegay taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Col. Maxamuud Muuse Bile Fardafuul.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · furtay · markabka · howlgalkii
Keep reading
Live story thread
Open live story