Qaramada midoobay oo ka digtay in Roobabka El Niño ay saameyn ku yeelan karaan ilaa 3.4 milyan oo qof oo Soomaali ah
The original report is shown while a translation is prepared.
More from this report
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in roobabka la saadaaliyay ee El Niño ay saameyn ku yeelan karaan ilaa 3.4 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya , iyadoo khatarta fatahaadaha ay sare u sii kacayso bilaha Oktoobar ilaa Diseembar.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) ayaa sheegay in roobabka culus ay saameyn karaan 16 ka mid ah 18-ka gobol ee Soomaaliya , iyadoo si gaar ah loo xusay gobollada Hiiraan, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose .
OCHA waxay sheegtay in fatahaadaha la filayo ay noqon karaan kuwo la mid ah ama ka sii daran xilliyadii fatahaadaha ee 2023 iyo 1997 , kuwaas oo ka mid ahaa xilliyadii ugu adkaa ee fatahaadaha Soomaaliya.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in xaaladda ay sii adkaan karto maadaama bulshooyin badan aysan weli si buuxda uga soo kaban abaartii daba dheeraatay ee sanadkan.
Isku-darka fatahaadaha, barakaca iyo adeegyada nadaafadeed oo aan ku filnayn ayaa kordhin kara khatarta faafitaanka cudurrada ka dhasha biyaha wasakhaysan .
Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli adeegyada caafimaadka ay wajahayaan dhaqaale yari. Sida OCHA sheegtay, ugu yaraan 380 xarumood oo caafimaad ayaa xirmay ama shaqadoodu hoos u dhacday sababo la xiriira dhaqaale la’aan.
Sidoo kale, 115 xarumood oo caafimaad oo guur-guura ayaa la xiray, taas oo adeegyada caafimaad ka jartay qaybo ka mid ah dadka ku nool deegaanada fogfog iyo kuwa ay adag tahay in la gaaro.
Qaramada Midoobay, hay’adaha gargaarka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay tallaabooyin loogu diyaar garoobayo fatahaadaha iyo barakaca ka dhalan kara.
Tallaabooyinka waxaa ka mid ah qiimeynta khataraha, qorsheynta xaaladaha degdegga ah, digniin hore, wacyigelinta bulshada iyo kaydinta sahayda meelaha ay khatartu ugu badan tahay.
OCHA waxay sheegtay in casharro laga bartay xaaladdii cimilada ee 2023 , xilligaas oo fatahaado iyo abaaro ay barakiciyeen ku dhowaad 2.3 milyan oo qof , isla markaana ay saameeyeen malaayiin kale.
Inkasta oo diyaar-garowga la xoojinayo, haddana OCHA waxay sheegtay in ay jiraan farqi weyn oo dhanka maalgelinta iyo diyaar-garowga ah, gaar ahaan goobaha khatartu sareyso.
Qorshaha Soomaaliya ee Baahiyaha Bani’aadantinimo iyo Jawaabta ee 2026 , oo ku kacaya 852 milyan oo doollar , ayaa ilaa hadda helay oo keliya 31 boqolkiiba maalgelintiisa , taas oo u dhiganta qiyaastii 262 milyan oo doollar .
OCHA ayaa sheegtay in waqtiga loogu diyaar garoobayo xilliga roobabka uu sii yaraanayo, waxayna ugu baaqday deeq-bixiyeyaasha iyo dhinacyada ay khusayso in si degdeg ah loo kordhiyo dhaqaalaha loogu talagalay diyaar-garowga iyo tallaabooyinka hore.
Context and open questions
Reader briefing
Article context
What happened
- The United Nations has warned that El Niño rains could affect up to 3.4 million people in Somalia, with the risk of flooding increasing from October to December.
Key claims
- The United Nations warns that El Niño rains could affect up to 3.4 million people in Somalia.
- The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) states that heavy rains could impact 16 out of 18 regions in Somalia.
- OCHA reports that at least 380 health facilities have closed or reduced operations due to financial constraints.
- The UN calls for increased funding for preparedness and early action measures in Somalia.
Source limitations
- The article relies on statements from the United Nations and OCHA without independent verification.
- No responses from the Somali government or other stakeholders are included.
- Casualty figures and specific impacts remain unverified.
Reader takeaway
The UN is warning of significant risks to millions in Somalia due to expected El Niño rains and is calling for urgent funding to address these challenges.
What remains unclear
- What specific measures are being taken by the Somali government in response to this warning?
- How will the funding shortfall impact the humanitarian response?
- What are the expected timelines for the onset of the El Niño rains?
Why it matters
The article highlights the potential humanitarian crisis in Somalia due to anticipated heavy rains and flooding, which could exacerbate existing vulnerabilities.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · yeelan · roobabka · milyan
Keep reading
Live story thread
Open live story