Ruushka oo ku dhawaaqay inuu si rasmi ah gantaalka nukliyeerka ah ee RS-28 Sarmat
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay in RS-28 Sarmat oo uu Ruushku ku tilmaamo gantaalka nukliyeerka ee ugu awoodda badan dunida la gelin doono adeeg rasmi ah dhammaadka sanadkan, kadib tijaabo cusub oo lagu sheegay inay guuleysatay.
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay in RS-28 Sarmat la gelin doono adeeg rasmi ah dhammaadka sanadkan.
Maxaa la shaaciyey
- Gantaalka RS-28 Sarmat ayaa la sheegay inuu yahay gantaalka nukliyeerka ugu awoodda badan dunida.
- Gantaalku wuxuu awood u leeyahay inuu qaado madaxyo nukliyeer badan iyo inuu ka gudbo nidaamyada difaaca gantaallada.
- Taliyaha ciidamada gantaallada istaraatiijiga ah ee Ruushka, Sergei Karakayev, ayaa sheegay in Sarmat uu kordhin doono awoodda ka hortagga iyo weerarka.
Macnaha guud
Hadalka Putin ayaa imanaya kadib sanado ay mashruucan la kulmay dib-u-dhac farsamo iyo tijaabooyin fashilmay.
“Sarmat uu si weyn u kordhin doono awoodda ka hortagga iyo weerarka ee ciidamada nukliyeerka Ruushka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan horumarka gantaallada nukliyeerka ee Ruushka iyo saameynta ay ku yeelan karto amniga caalamiga ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay in RS-28 Sarmat oo uu Ruushku ku tilmaamo gantaalka nukliyeerka ee ugu awoodda badan dunida la gelin doono adeeg rasmi ah dhammaadka sanadkan, kadib tijaabo cusub oo lagu sheegay inay guuleysatay.
Hadalka Putin ayaa imanaya kadib sanado ay mashruucan la kulmay dib-u-dhac farsamo iyo tijaabooyin fashilmay, ayadoo gantaalka Sarmat, ay mararka qaar warbaahinta reer galbeedku ugu yeeraan mid loogu talagalay inuu beddelo nidaamkii hore ee gantaallada culus ee Midowgii Soofiyeeti, waxaana Moscow ay sheegtay inuu awood u leeyahay inuu qaado madaxyo nukliyeer badan, isla markaana ka gudbi karo nidaamyada difaaca gantaallada ee hadda jira iyo kuwa mustaqbalka.
Taliyaha ciidamada gantaallada istaraatiijiga ah ee Ruushka, Sergei Karakayev, ayaa sheegay i Sarmat uu si weyn u kordhin doono awoodda ka hortagga iyo weerarka ee ciidamada nukliyeerka Ruushka.
Si kastaba, falanqeeyayaal reer galbeed ah ayaa xusay in mashruucan uu horey ula kulmay caqabado farsamo iyo dib-u-dhacyo badan, taas oo keentay su’aalo ku saabsan jadwalka dhabta ah ee hawlgelintiisa.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan