Sacuudiga iyo Qatar oo diiday qorshe halis ah oo uu soo bandhigay Imaaraadka
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku fashilantay isku day ay ku dooneysay in ay ku qanciso dalalka Sacuudi Carabiya iyo Qatar si ay duqeymo wadajir ah oo aargoosi ah ugu qaadaan dalka Iiraan, sida lagu daabacay warbixin ay Jimcihii baahiyay Bloomberg. Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Saayid, ayaa khadka taleefanka xiriirro […] The post Sacuudiga

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku fashilantay in ay Sacuudiga iyo Qatar ku qanciso duqeymo aargoosi ah oo ka dhan ah Iiraan, kadib markii ay Mareykanka iyo Israa’iil duqeymo ku qaadeen Iiraan.
Maxaa la shaaciyey
- Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Saayid, ayaa la xiriiray madaxda Sacuudiga iyo Qatar si uu u soo jeediyo qorshe duqeyn ah.
- Sacuudiga iyo Qatar ayaa diiday dalabkii Imaaraadka, iyagoo ka gaashaamay qorshaha duqeynta.
- Dagaalka Iiraan ayaa sii kala fogeeyay xiriirka Riyadh iyo Abu Dhabi, iyadoo labada dal ay hadda si gooni-gooni ah u fulinayaan duqeymo.
Macnaha guud
Mareykanka iyo Israa’iil ayaa duqeymo ku qaaday Iiraan 28-kii bishii Febraayo, taasoo keentay in Iiraan ay jawaab celin ku sameyso.
““tabar daran.””
Sababta ay muhiim u tahay: Somali akhristayaasha waxay u baahan yihiin in ay ogaadaan sida khilaafaadka Khaliijka uu u saameyn karo amniga iyo siyaasadda gobolka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku fashilantay isku day ay ku dooneysay in ay ku qanciso dalalka Sacuudi Carabiya iyo Qatar si ay duqeymo wadajir ah oo aargoosi ah ugu qaadaan dalka Iiraan, sida lagu daabacay warbixin ay Jimcihii baahiyay Bloomberg.
Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Saayid, ayaa khadka taleefanka xiriirro xiriir ah kula sameeyay madaxda dalalka Gacanka, oo uu ku jiro Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, waxyar un kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay duqeymo ku qaadeen Iiraan 28-kii bishii Febraayo.
Xukuumadda Tehran ayaa tallaabadaas uga jawaabtay kumannaan gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) oo ay ku garaacday waddamada Khaliijka. Imaaraadka, oo sanadkii 2021-kii xiriir diblomaasi la yeeshay Israa’iil, ayaa dusha u ritay khasaaraha ugu weyn ee aargoosigaas, waxaana lagu dhuftay ku dhawaad 3,000 oo gantaal iyo diyaaradaha drones-ka ah.
Si kastaba ha ahaatee, Maxamed bin Salmaan iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Gacanka ayaa gabi ahaanba gaashaanka u daruuray dalabkii ka yimid Maxamed bin Saayid ee ahaa in la qaado weerar isku-dubarridan oo ka dhan ah Iiraan. Warbixinta ayaa hoosta ka xarriiqeysa in dagaalka Iiraan uu sii kala fogeeyay xiriirka Riyadh iyo Abu Dhabi, beddelkii uu isku keeni lahaa dalalkan xafiiltama oo haatan wajahaya halis guud.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan