Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan “U-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada ay Haweenku Hoggaamiyaan.” Shirka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta u-diyaargarowga dalka ee khataraha ka dhasha roobabka Super El Niño, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay doo

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan “U-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada ay Haweenku Hoggaamiyaan.”
Shirka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta u-diyaargarowga dalka ee khataraha ka dhasha roobabka Super El Niño, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay doorka ururrada haweenka ee ka hortagga iyo ka jawaabista musiibooyinka.
Waxaa ka qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Deegaanka, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Haweenka, culimada Soomaaliyeed, iyo wakiillo ka socday ururrada haweenka ee ka kala yimid dhammaan gobollada dalka.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in iskaashiga dowladda, ururrada haweenka iyo bulshada uu muhiim u yahay dhismaha bulsho u adkaysata saameynta isbeddelka cimilada, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xoojinayo u-diyaargarowga iyo yaraynta khataraha musiibooyinka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.