Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Beeraha iyo Keymaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Turgay Türkyılmaz. Wafdigan ayaa booqasho rasmi ah ku yimid dalka si loo xoojiyo iskaashiga istaraatiijiga ah […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Beeraha iyo Keymaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Turgay Türkyılmaz. Wafdigan ayaa booqasho rasmi ah ku yimid dalka si loo xoojiyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee dhinacyada kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta iskaashiga farsamo iyo maalgashiga, iyadoo si rasmi ah loo daah-furay kulammo iyo guddiyo farsamo oo wadajir ah oo ka shaqayn doona horumarinta arrimaha mudnaanta u leh labada dal. Qodobbada ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:
Maamulka Kalluumeysiga: Qiimeynta kaydka kalluunka, buuxinta nusqaamaha xogta cilmiyeed, iyo hirgelinta Sharciga Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga ee 2023.Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha Kalluumeysiga: Abuurista fursado maalgashi oo ay ka faa’iidaysan karaan shirkadaha Turkiga, gaar ahaan dhismaha xarumaha qaboojinta, kaydinta, farsamaynta iyo dhoofinta kalluunka Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ku saleysan danaha wadaagga ah, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoolajiyada, si loo horumariyo ka faa’iidaysiga waara ee khayraadka badda Soomaaliya loona kobciyo dhaqaalaha buluugga ah.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.