Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Soomaaliya oo shirka Baarlamaanka Afrika ka soo jeeda
Xildhibaano Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galaya shirka Baarlamaanka Afrika ee Koonfur Afrika, iyagoo kaga qeyb qaadanaya doodaha ku saabsan biyaha, nabadaynta, iyo isdhexgalka qaaradda. The post Soomaaliya oo shirka Baarlamaanka Afrika ka soo jeeda first appeared on Radio Dalsan .

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Xildhibaano Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galaya shirka Baarlamaanka Afrika ee Koonfur Afrika, iyagoo kaga qeyb qaadanaya doodaha ku saabsan biyaha, nabadaynta, iyo isdhexgalka qaaradda.
Midrand, Koonfur Afrika – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Baarlamaanka Afrika (Pan-African Parliament) oo ka socda magaalada Midrand ee dalka Koonfur Afrika. Shirka sanadkan oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Xaqiijinta Helitaanka Biyo Waara iyo Nidaamyo Fayadhowr oo Ammaan ah si loo gaaro Himilooyinka Ajendaha 2063”, ayaa lagaga doodayaa arrimo muhiim u ah qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga, iyo isdhexgalka dalalka Afrika.
Ka qeybgalka Soomaaliya shirkan ayaa muhiim u ah sababtoo ah waxa uu muujinayaa ka qeybgalka dalka ee heerka qaaradda iyo ka go’naanshaha siyaasadda Afrika. Wafdiga Xildhibaanada ah ee Soomaaliya ku metelaya shirweynaha, waxaa ku wehliya mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo uu ugu horreeyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Danjire Aadan Isaaq iyo Diblomaasiyiinta kale ee safaaradda.
Shirweynaha Baarlamaanka Afrika ayaa ah mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee Midowga Afrika, waxaana la aasaasay si loo xoojiyo isdhexgalka qaaradda iyo loo horumariyo dimuqraadiyadda iyo dowlad-wanaagga. Soomaaliya, oo sanadkii hore dib u soo noqotay hay’addan kadib markii ay ka maqanayd muddo dheer, ayaa hadda si firfircoon uga qeyb qaadanaysa shirarka iyo doodaha heerka qaaradda.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.