Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Soomaaliya oo tacsi u dirtay Dowladda iyo Shacabka Aljeeriya
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya kadib shilkii naxdinta lahaa ee bas kaas oo ka dhacay meel u dhow magaalada Boumerdes maaliintii Jimcaha aheyd, Shilkaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 25 qof iyo dhaawaca tobannaan kale. Dowladda Soomaaliya waxay la qeybsaneysaa murugada qoysaska ay ehella

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya kadib shilkii naxdinta lahaa ee bas kaas oo ka dhacay meel u dhow magaalada Boumerdes maaliintii Jimcaha aheyd, Shilkaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 25 qof iyo dhaawaca tobannaan kale.
Dowladda Soomaaliya waxay la qeybsaneysaa murugada qoysaska ay ehelladoodu ku geeriyoodeen shilkaas iyo bulshada ay saameysay, iyadoo garab taagan Dowladda iyo shacabka Aljeeriya xilligaan adag ee murugada leh.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay u rajaynaysaa dhammaan dhaawacyada ku jira isbitaallada inay si degdeg ah oo buuxda u bogsadaan.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa inay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya xilliyada adag ee murugada leh.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.