Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Ciidamada Soomaaliyeed Oo Bartay Sirta Dambi-baarista
Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo NISA ayaa soo dhameystay tababar muddo 12 bilood ah oo lagu barayay farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, ururinta iyo ilaalinta caddeymaha. The post Ciidamada Soomaaliyeed Oo Bartay Sirta Dambi-baarista first appeared on Radio Dalsan .

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Ciidamada Soomaaliyeed oo dhameystay tababar dambi-baaris Saraakiil iyo ciidamo ka kala tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa soo gabagabeeyay tababar heer sare ah oo muddo hal sano ah socday, kaas oo lagu barayay baarista dambiyada iyo hababka casriga ah ee loo baaro goobaha ay falalku ka dhacaan. Tababarka ayaa lagu xoojiyay awoodda hay’adaha amniga ee ururinta caddeymaha iyo diyaarinta baaritaanno lagu kalsoonaan karo.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo awoodda dambi-baarista Soomaaliya, xilli hay’adaha amniga iyo garsoorku ay u baahan yihiin khubaro si sax ah u maareyn karta caddeymaha laga helo goobaha dambiyada. Dowladda Soomaaliya ayaa tababarka ku hirgelisay taageero ay ka heshay Dowladda Mareykanka.
Muddo 12 bilood ah, ciidamada ayaa lagu barayay farsamooyin casri ah oo la xiriira baarista dambiyada, baaritaanka goobaha ay dambiyadu ka dhacaan iyo habka saxda ah ee loo ururiyo caddeymaha.
Waxa kale oo lagu tababaray ilaalinta caddeymaha si aan loo lumin ama loo beddelin xogta muhiimka ah, iyo hababka lagu xaqiijiyo macluumaadka loo adeegsanayo baaritaannada dambiyada.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.