Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga
Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor, The post Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga first appeared on Radio Dalsan .

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) , ayaa maanta magaalada Manisa ee dalka Turkiga kula soo xiray tababar heersare ah Guutada 21 – aad Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, tababarkana waxaa soo xiray Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga Jeneraal Metin Tokel . Munaasabaddan ayaa noqonaysa mid taariikhi ah maadaama ay tahay guutadii ugu horreysay ee dhammaystiran oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor taas oo hal goob lagu wada tababaray .
Tababarkan ayaa muhiim u ah sababtoo ah waxa uu ka dhigan yahay iskaashiga milateri ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kuwaas oo sii xoojinaya xiriirkooda istiraatiijiyadeed. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay dardargelinta dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka si ay waajibaadka qaran ee horyaalla ugu gutaan awood iyo isku-xirnaan buuxda. Guutada Gorgor ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaaddo howlgallada ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan dalka laga sifeeyo kooxaha Khawaarijta.
Qalin-jebinta ciidankan ayaa ku soo beegmaysa xilli Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay wadaan diyaar-garow xooggan oo ku aaddan hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah argagixisada . Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa hore u kormeeray howlgallo ka dhanka ah AS waxaanu ku bogaadiyay geesinimada ciidamada ku sugan furimaha hore .
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.