Ciidamada Puntland oo digniin soo saaray
Ciidamada Puntland ayaa ku baaqay in ay degdeg isugu soo dhiibaan ciidamada weli ku sugan deegaannadeeda ee sheegta in ay… Sii akhri
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Ciidamada Puntland ayaa ku baaqay in ay degdeg isugu soo dhiibaan ciidamada weli ku sugan deegaannadeeda ee sheegta in ay ka tirsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya.
Ciidamada Puntland waxay sheegeen in ciddii u hoggaasami wayda amarkan ay ka qaadayaan tallaabo, islamarkaana ay ku fulinayaan howlgal.
War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Ciidanka Difaaca Puntland waxay uga digayaan dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha hubaysan ee weli ku sugan deegaannada kala duwan inay si degdeg ah isugu dhiibaan Dawladda Puntland, kuna soo laabtaan dariiqa sharciga”.
“Ciddii diidda inay u hoggaansanto awaamiirta hay’adaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga, waxaana laga fulin doonaa hawlgallo sharciyeysan oo lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta dalka” ayaa la raaciyay.
Deegaanno ka tirsan Puntland oo ay ka mid tahay caasimadda Garoowe ayaa waxaa ku sugan ciidamo sheegta in ay ka tirsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · soo · puntland · ciidamada
Keep reading
Live story thread
Open live story