Turkiga oo iska fogeeyay iney la safan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
May 31(Jowhar) Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa wada hadallo la yeeshay wakiillo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyagoo diiradda saaray xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay muranka ka taagan muddo xileedka hoggaanka dalka. Xogaha la helayo ayaa muujinaysa in Turkigu labada dhinacba u caddeeyay in uusan la safnayn shaqsi ama […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
May 31(Jowhar) Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa wada hadallo la yeeshay wakiillo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyagoo diiradda saaray xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay muranka ka taagan muddo xileedka hoggaanka dalka.
Xogaha la helayo ayaa muujinaysa in Turkigu labada dhinacba u caddeeyay in uusan la safnayn shaqsi ama koox gaar ah, balse uu doonayo in uu la shaqeeyo hay’adaha rasmiga ah ee dalka iyo nidaamka jira. Sidoo kale, Ankara ayaa muujisay walaac ay ka qabto hadallo ka soo yeeray qaar ka mid ah mucaaradka oo lagu dhaliilay doorka Turkiga ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, Turkiga ayaa wakiillada mucaaradka u sheegay in Soomaaliya ay wajahdo xaalad amni iyo mid dhuleed oo xasaasi ah, isla markaana ay jiraan faragelin dibadeed oo ka socda gobolka Geeska Africa, taasoo muhiim ka dhigaysa in laga fogaado khilaaf gudaha ah oo sii xumeeya xaaladda dalka.
Turkiga ayaa sidoo kale xiisaynaya in wada hadalo ay u socdaan qaab hoose maadaama ay ku lug leeyihiin saraakiil Sirdoon.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Jowhar
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.