Uganda oo xiriirka militari u jartay Turkey – Maxaa la isku qabtay?
Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa hakisay dhammaan iskaashigii dhinacyada militariga iyo difaaca ee kala dhexeeyay Turkiga, kadib markii Ankara ay muddo dheer diiddaneyd inay Uganda u gacan geliso Fred Lumbuye, oo ah blogger mucaarad ah oo si weyn u dhaliila…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa hakisay dhammaan iskaashigii dhinacyada militariga iyo difaaca ee kala dhexeeyay Turkiga, kadib markii Ankara ay muddo dheer diiddaneyd inay Uganda u gacan geliso Fred Lumbuye, oo ah blogger mucaarad ah oo si weyn u dhaliila Madaxweyne Yoweri Museveni.
Lumbuye, oo Uganda u dhashay balse ku nool Turkiga, ayaa Kampala ka wajahaya 15 dacwadood oo ay ka mid yihiin kicin rabshado, faafinta warar been abuur ah iyo ku xadgudubka sharciyada isticmaalka kombiyuutarrada.
Taliyaha ciidamada Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka Madaxweyne Museveni, ayaa muddooyinkii dambe Turkiga ku cadaadinayay inuu Lumbuye u gacan geliyo dowladda Uganda.
Afhayeenka ciidamada Uganda Chris Magezi ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada UPDF ay “si degdeg ah u hakiyeen dhammaan iskaashigii difaaca iyo militariga ee Jamhuuriyadda Turkiga”.
Magezi ayaa sheegay in tallaabadaasi sii jiri doonto ilaa laga xalliyo arrimaha weli taagan ee la xiriira iskaashiga difaaca iyo militariga ee labada dal.
Go’aanka ayaa yimid maalin kadib markii boqolaal taageerayaal ah oo ka tirsan Patriotic League of Uganda, oo ah urur siyaasadeed xiriir dhow la leh Kainerugaba, ay bannaanbax ka dhigeen afaafka safaaradda Turkiga ee Kampala.
Dibadbaxayaasha ayaa Ankara ka dalbaday inay Uganda u soo gacan geliso Lumbuye.
“Maanta halkan uma imaan inaan colaad u muujinno shacabka Turkiga, balse waxaan nahay waddaniyiin Ugandheys ah oo aad uga niyad jabsan xaaladda,” ayuu yiri xoghayaha guud ee ururka Fadil Twalla.
Waxa uu sheegay in Lumbuye uu isagoo jooga Turkiga sii wado weerarrada afka ah ee ka dhanka ah hoggaanka Uganda.
Kainerugaba ayaa isna qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku ammaanay bannaanbaxa, isaga oo sheegay in Turkigu ugu dambeyn fulin doono dalabaadka Uganda.
“Turkigu wuxuu fulin doonaa dhammaan dalabaadkeenna. Haddii aysan sidaas samayn, noloshu waxay ku adkaan doontaa muwaadiniintooda ku sugan Uganda,” ayuu yiri.
Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa bishii July 2022 diidday codsi rasmi ah oo Uganda ay ku dalbatay in Lumbuye loo soo gacan geliyo.
Xaaladda sharci ee Lumbuye ee Turkiga ayaan hadda si cad loo ogeyn, hase yeeshee wuxuu weli si firfircoon uga hadlaa siyaasadda Uganda, isaga oo adeegsanaya baraha bulshada iyo kanaalkiisa YouTube-ka oo ay daawadaan kumannaan qof.
Arrintan ayaa siisay madal weyn oo uu ku dhaliilo dowladda Museveni xilli ay adag tahay in dadka dowladda mucaaradsan ay gudaha Uganda ka helaan fursad la mid ah.
Madaxweyne Museveni ayaa bishii May loo dhaariyay muddo xileed toddobaad, halka wiilkiisa Muhoozi Kainerugaba uu sanadihii dambe noqday shaqsi awood weyn ku leh siyaasadda iyo hay’adaha ammaanka ee dalka.
Xiriir difaac oo sii xumaanaya
Uganda iyo Turkiga ayaa ku dhowaad toban sano lahaa xiriir difaac oo dhow.
Labada dal ayaa bishii June 2016 kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan warshadaha difaaca, kaas oo sii ballaartay kadib heshiis kale oo tababar militari ah oo la gaaray sanadkii 2022.
Iskaashigaasi wuxuu ku saabsanaa tababarrada ciidamada, hubka, qalabka la socodka, wareejinta tiknoolajiyadda iyo iskaashiga dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo amniga.
Ciidamada Uganda si faahfaahsan uma sheegin arrimaha kale ee ay ku muransan yihiin Ankara, balse hakinta iskaashiga militari waxay kusoo beegmeysaa xilli xiriirka labada dhinac uu sii xumaanayo.
Kainerugaba ayaa hore ugu hanjabay in la burin karo qandaraas ku kacaya ku dhowaad saddex bilyan oo dollar oo shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Yapi Merkezi ay ku dhiseyso waddada tareenka Standard Gauge Railway ee Uganda.
Waxaa sidoo kale jiray hanjabaado la xiriiray in muwaadiniinta Turkiga laga saari karo Uganda haddii Ankara aysan wax ka beddelin mowqifkeeda.
Warbaahinta Turkiga ayaa bishii June sheegtay in Kainerugaba uu shaaciyay in la kansalay qandaraaska tareenka, iyadoo arrintaas lagu tilmaamay qeyb ka mid ah khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Kampala iyo Ankara.
Muranka Lumbuye ayaa hadda isu beddelay khilaaf diblomaasiyadeed oo saameyn ku yeeshay xiriirkii difaac iyo ganacsi ee labada dal, iyadoo Uganda ay cadaadiska ku kordhineyso Turkiga si ay ugu qanciso inuu wax ka beddelo mowqifkiisa ku aaddan ninka mucaaradka ah.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · uganda · maxaa · jartay
Keep reading
Live story thread
Open live story