Wafdi ka socday hay’ado caalami ah oo booqasho ku tagay Jubbaland
Kismaayo – Wafdi ka kala socday safaaradaha Sweden, Norway, Netherlands, Midowga Yurub, Switzerland iyo hay’ado caalami ah ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, halkaas oo ay kaga qeybgaleen xarig-jar iyo kormeer lagu sameeyay mashaariic…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Kismaayo – Wafdi ka kala socday safaaradaha Sweden, Norway, Netherlands, Midowga Yurub, Switzerland iyo hay’ado caalami ah ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, halkaas oo ay kaga qeybgaleen xarig-jar iyo kormeer lagu sameeyay mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada.
Wafdiga ayaa waxaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland.
Wafdiga ayaa sidoo kale ka koobnaa mas’uuliyiin ka socday UNDP, UNICEF, UN-Habitat iyo Somalia Joint Fund, kuwaas oo magaalada u yimid inay kormeeraan mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Kismaayo, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Ugu horreyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, mas’uuliyiinta ka socday safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Kismaayo ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray biyo-mareen loogu talagalay qaadista biyaha roobka, kaas oo laga hirgeliyay isgoyska Dahabshiil iyo Hormuud ee xaafadda Calanley.
Sidoo kale, wafdiga ayaa kormeer ku tagay Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Ganaane, kaas oo dib-u-dayactir lagu sameeyay. Maamulka iskuulka ayaa wafdiga uga warbixiyay howlaha mashruuca iyo waxyaabaha laga hirgeliyay xarunta waxbarashada.
Dhanka kale, wafdiga ayaa booqday Xarunta Odayaasha Dhaqanka ee Xalinta Khilaafaadka Jubbaland, halkaas oo ay kula kulmeen odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Odayaasha dhaqanka ayaa wafdiga uga warbixiyay doorka ay ku leeyihiin nabadaynta bulshada iyo qaababka dhaqanka ee loo adeegsado xalinta khilaafaadka iyo xoojinta wada-noolaanshaha bulshada.
Wafdiga ayaa sidoo kale kulamo fool ka fool ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka. Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, iyo mas’uuliyiin kale ayaa magaalada Kismaayo ku sagootiyay wafdiga ka socday dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.
Mas’uuliyiinta wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyay Dowladda Jubbaland iyo shacabka Kismaayo soo dhaweynta loo sameeyay, iyagoo bogaadiyay mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay degmada, isla markaana laga codsaday in la sii ballaariyo lana cusbooneysiiyo mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada.
Context and open questions
Reader briefing
Article context
What happened
- A delegation from various international organizations visited Kismaayo, Jubbaland to participate in the inauguration and inspection of development projects.
Key claims
- A delegation from various international organizations visited Kismaayo, Jubbaland to participate in the inauguration and inspection of development projects.
- The delegation included officials from UNDP, UNICEF, UN-Habitat, and Somalia Joint Fund.
- The delegation inaugurated a rainwater drainage system in Kismaayo.
- The delegation met with local elders to discuss their role in community peacebuilding.
Source limitations
- The article does not include responses from any parties being criticized or accused.
- The article relies on official statements from the Jubbaland government and international organizations.
- Casualty figures or specific impacts of the projects are not mentioned.
Reader takeaway
The visit highlights ongoing international engagement in development efforts in Jubbaland.
What remains unclear
- What specific development projects were inspected?
- What are the expected outcomes of the inaugurated rainwater drainage system?
- How will the community's feedback influence future projects?
Why it matters
The article does not provide enough independently verified detail to assess the specific significance of this event beyond what is reported.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · ado · jubbaland · socday