Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud
Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo boqollaal ka mid ah shacabka degmada Ceeldheer oo isugu soo baxay soo dhoweynta wafdiga. Musharraxa Hoggaamiyaha Gal

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo boqollaal ka mid ah shacabka degmada Ceeldheer oo isugu soo baxay soo dhoweynta wafdiga.
Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo hadal ka jeediyay munaasabadda soo dhoweynta, ayaa sheegay in shacabka Ceeldheer ay Soomaalida u muujiyeen sida looga difaaco dalka Khawaarijta, isla markaana ay jab culus u geysteen iyagoo garab istaagay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee difaacay degmada.
Waxa uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay dhammeystirka xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin Khawaarijta, isagoo shacabka Ceeldheer ka codsaday inay codkooda siiyaan Ururka JSP, oo uu uga sharaxan yahay hoggaanka Galmudug.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.