Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow
Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu ku tilmaamay hoggaamiyaha sagaalaad ee ugu sarreeya kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab (Khawaarijta) ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Maalin Jinow Ibrahim, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo xubin ka mid ah Golaha Shuurada ee kooxda, ayaa lagu […]

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu ku tilmaamay hoggaamiyaha sagaalaad ee ugu sarreeya kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab (Khawaarijta) ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Maalin Jinow Ibrahim, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo xubin ka mid ah Golaha Shuurada ee kooxda, ayaa lagu dilay hawlgal qorsheysan oo sax ah oo ay fuliyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 5-tii Luulyo 2026-kii, waxaana lagu dilay tuulada Sabyo ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah inta u dhaxaysa Afgooye iyo Basra.
Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, Macallin Jinoow wuxuu ahaa shakhsi sare oo ka tirsan garabka dagaalka ee kooxda, wuxuuna la-taliye dhow u ahaa hoggaamiyaha guud ee Al-Shabaab, Axmed Diiriye (oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Cubeydah ama Axmed Cumar).
Waxa uu sidoo kale door muhiim ah ka qaatay hub-ka-dhigista beelaha deegaanka iyo qorista hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka ee gobollada Bay iyo Bakool si ay ugu biiraan kooxda argagixisada ah, xilligaas oo ku beegnayd sanadkii 2010-kii.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.