Wasiir Fiqi oo kulan heer sare ah la yeeshay dhiggiisa Shiinaha + Sawirro
Beijing (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Beijing (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun.
Kulanka oo ku qabsoomay jawi saaxiibtinimo iyo is-afgarad leh ayaa diiradda lagu saaray sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo ballaarinta iskaashiga difaaca iyo amniga.
Labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda wada-shaqeyn ku dhisan is-ixtiraam, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, kana jawaabta xaaladaha amni ee Soomaaliya iyo isbeddellada ka socda gobolka iyo caalamka.
Wasiir Fiqi ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo dib-u-dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mudnaanta Dowladda Federaalka ay tahay dhismaha ciidan qaran oo tababaran, qalabeysan, awoodna u leh difaaca dalka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga qaranka.
Admiral Dong Jun ayaa bogaadiyey horumarka muuqda ee Soomaaliya ka gaartay amniga, dowlad-dhiska iyo tayeynta ciidanka qaranka. Wasiir Fiqi ayaa dhankiisa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada soo jireenka ah ee wax-ku-oolka ah iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya.
Labada wasiir ayaa isla gartay in la dardar-geliyo hirgelinta is-afgaradyada jira, lana sii ballaariyo iskaashiga difaaca iyo amniga, si xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal loogu beddelo tallaabooyin la taaban karo oo wax ka tara nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · heer · fiqi · sare
Keep reading
Live story thread
Open live story