Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya
WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah? The post Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya first appeared on Radio Dalsan .

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Geneva, Switzerland – Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa hadal ka jeediyey dooda madasha WSIS Leaders TalkX, oo ay fikradahooda ku wadaagaan madaxda iyo masuuliyiinta sare ee ka qeyb galaya Shirka Heerka Sare ee WSIS+20. Wasiirku waxa uu soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhismaha Kaabeyaasha Dijitaalka ee Dowladda.
Doodan ayaa muhiim u ah xilligan, sababtoo ah waxay ka dhigan tahay tallaabo cusub oo ay Soomaaliya uga sii dhowaanayso midowga caalamiga ah ee dhanka tiknoolajiyadda, iyadoo ay ka qeyb qaadanayso shirka WSIS+20 oo ah mid ka mid ah shirarka ugu muhiimsan ee arrimaha dijitaalka adduunka. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu horreeya ee ka hadla horumarka dijitaalka heer caalami ah.
Wasiir Soomaali ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso maalgashiga tiknoolajiyadda iyo horumarinta adeegyada dijitaalka si ay u daboolaan baahiyaha shacabka. Wuxuu sheegay in dhismaha dowlad casri ah uu ku saleysan yahay nidaamyo dijitaal ah oo leh amni, adkeysi iyo kalsooni dadweyne.
Wuxuu yidhi: “Soomaaliya waxay qabatay Shirweynihii ugu horreeyey ee Qaran ee arrintan looga arrinsado, waxaana la diyaariyey Qorshaha Qaran ee Kaabeyaasha Dijitaalka, oo hagaya hirgelinta adeegyo dowladeed oo isku xiran, sugan, laguna kalsoonaan karo.”
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.