Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, taas oo booqasho iyo sagootin ugu timid, iyada oo ay ku beegnayd dhammaadka muddo xileedkeedii diblomaasiyadeed. Wasiir Cabdisalaan ayaa ku ammaanay Safiir Francesca Di Mauro doorkii iyo [&

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, taas oo booqasho iyo sagootin ugu timid, iyada oo ay ku beegnayd dhammaadka muddo xileedkeedii diblomaasiyadeed.
Wasiir Cabdisalaan ayaa ku ammaanay Safiir Francesca Di Mauro doorkii iyo shaqadii ay ka soo qabatay gudaha Dalka Soomaaliya, waxa uuna ugu hambalyeeyay magacaabisteeda cusub ee Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Adeegga Hawlaha Dibadda ee Midowga Yurub (EEAS).
Sidoo kale, waxa uu Wasiirka uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada iyo iskaashiga joogtada ah ee uu la leeyahay Dowladda Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sheegay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac, isagoo sidoo kalena u rajeeyay in ay guul iyo horumar ka gaarto xilkeeda cusub.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.