Translation being prepared
The reader translation for this story is still being prepared. The original source text is available below.

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Seoul, Kuuriyada Koonfureed – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Seoul kula kulmay dhiggiisa Masar, Dr. Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Qurba-joogta ee Jamhuuriyadda Carabta Masar, xilli ay labaduba ka qeyb galayaan Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika.
Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyagoo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah labada dal.
Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta midnimada dalka, madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa caddeeyay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.