Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasiirka Gaashaandhigga oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka socdaan dadaallo lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana ay ka jiraan horumarro dhanka amniga ah. Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka socdaan dadaallo lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana ay ka jiraan horumarro dhanka amniga ah.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda xaaladda amniga, qiimeynta howlgalada ka socda deegaannada gobolka, iyo dhiirrigelinta ciidamada XDS ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.
Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, iyagoo warbixinno ka dhageystay xaaladda amniga, horumarka howlgalada, iyo baahiyaha jira si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida.
Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan furimaha hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.