Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka, oo uu qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, tababarka iyo kor u qaadista xirfadaha saraakiisha iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dhinac.
Booqashada wafdiga Pakistan ayaa daba socota booqashadii Wasiir Fiqi uu 4-tii Agoosto 2026 ku tagay dalka Pakistan, xilligaas oo labada dal ay kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga difaaca iyo amniga.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Pakistan, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga labada dal uu taageero mudnaanta qaranka ee dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · wasiirka · wafdi · socda
Keep reading
Live story thread
Open live story- Somalia's Minister of Justice Meets His Qatari Counterpart in Doha
Goobjoog Somali
- Soomaaliya iyo Pakistan oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo tayeynta Ciidanka Cirka
Goobjoog Somali
- Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda
Somali National TV