Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda. Shirka waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Cadaaladda, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda, waxaana diiradda lagu saaray qii

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda.
Shirka waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Cadaaladda, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda, waxaana diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadka billaha ah, dardargelinta qorshayaasha istaraatiijiyadeed iyo diyaar-garowga bandhigga waxqabadka afarta sano ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay soo bandhigista guulaha la taaban karo iyo horumarka laga gaaray dhinacyada cadaaladda iyo dhameystirka dastuurka dalka.
Wasiiru Dowlaha ayaa ku bogaadiyay Agaasimayaasha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda dadaalka ay ku bixiyeen gudashada waajibaadkooda, isagoo ku booriyay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka iyo dardargelinta howlaha mudnaanta leh si loo xaqiijiyo himilooyinka iyo qorshayaasha qaran ee Wasaaradda loo igmaday.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.