Waxgaradka Beesha Xawaadle Oo Dalbaday Hakinta Doorashada HirShabeelle iyo IGAD oo Ku Baaqday Wada-Hadal Qaran
Waxgarad, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha Xawaadle ayaa kulan ballaaran oo ay ku yeesheen Beledweyne kaga dalbaday in la hakiyo howlaha doorashada HirShabeelle, waxayna sheegeen in hakinta loo baahan yahay inta xal siyaasadeed laga gaarayo tabashooyinka ka…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Waxgarad, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ka tirsan beesha Xawaadle ayaa kulan ballaaran oo ay ku yeesheen Beledweyne kaga dalbaday in la hakiyo howlaha doorashada HirShabeelle, waxayna sheegeen in hakinta loo baahan yahay inta xal siyaasadeed laga gaarayo tabashooyinka ka jira gobolka Hiiraan.
Ka qayb-galayaasha kulanka ayaa ku dooday in hannaanka doorashada ee hadda socda uusan si buuxda uga tarjumin rabitaanka bulshada deegaanka.
Waxay ku baaqeen hannaan ku dhisan caddaalad, matalaad dhab ah iyo awood-qaybsi ay ku qanci karaan dhammaan dhinacyada wadaaga maamulka HirShabeelle.
Dhanka kale, IGAD ayaa madaxda Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya ugu baaqday wada-hadal qaran oo loo dhan yahay.
Baaqa ururka wuxuu khuseeyaa xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka Soomaaliya guud ahaan, mana ahayn hindise si gaar ah loogu dhex-dhexaadinayo muranka HirShabeelle.
Baaqa waxgaradka Xawaadle ayaa imaanaya xilli dhowaan ururka JSP uu shaaciyay in madaxweyne Cali Guudlaawe uu yahay murashaxooda doorashada Hirshabeelle, islamarkaana siyaasiyiinta iyo waxgaradka Hiiraan ay arrintaas ka biya diideen.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · diplomacy · diplomacy · beesha · doorashada
Keep reading
Live story thread
Open live story- IGAD oo ku baaqday maalgelin joogto ah oo AUSSOM ah, wada-hadalna uga yeertay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya
Goobjoog Somali
- Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD oo kormeeray xarunta cusub ee ururka ee Jabuuti
Shabelle Media
- Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti
Goobjoog Somali