Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Xal laga gaaray xiisaddii Garoowe
Kulan maalmahan magaalada Garoowe ee caasimadda Putland uga socday qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ugu dambeyn xalay… Sii akhri

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Kulan maalmahan magaalada Garoowe ee caasimadda Putland uga socday qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ugu dambeyn xalay ku soo dhammaaday is-afgarad iyo xal laga gaaray xiisaddii u dhaxaysay Gen. Jimcaale iyo dowladda.
Kulanka oo ay qayb ka ahaayeen Madaxweynihii hore ee Puntland senator Cabdiraxman Maxamed Farole, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Xirsi Qarjab, Wasiirka Caafimaadka Puntland Maxamed Cabdiraxman Farole iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa looga hadlay ammaanka magaalada Garoowe, xaaladda Puntland iyo tan Soomaaliya.
Senator Cabdiraxmaan Faroole oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu guul ku dhammaaday shirkii maalmihii la soo dhaafay u socday waxgaradka Nugaal ee looga hadlayay xiisadda Gen. Jimcaale iyo dowladda.
Inkastoo aan la faahfaahin qodobadii ka soo baxay shirka, hadana warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in lagu heshiiyay in ay wada shaqeeyaan dowladda iyo ciidamada uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale ee Danab.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.