Xamza Bin Laden oo farriin soo diray sanado kadib markii la sheegay in la dilay
Muqdisho (Caasimada Online) — Ururka Al-Qaacida ayaa baahiyay muuqaal hore aan loo arag oo uu ka soo muuqanayo Xamza Bin Laden, oo ah wiilka aasaasihii ururkaas Usama Bin Laden, kaas oo hadal uu jeedinayo ku sheegay in Muslimiintu ay wajahayaan dagaal dhinacyo badan leh, isaga…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho (Caasimada Online) — Ururka Al-Qaacida ayaa baahiyay muuqaal hore aan loo arag oo uu ka soo muuqanayo Xamza Bin Laden, oo ah wiilka aasaasihii ururkaas Usama Bin Laden, kaas oo hadal uu jeedinayo ku sheegay in Muslimiintu ay wajahayaan dagaal dhinacyo badan leh, isaga oo ku baaqaya in la sii wado jihaadka.
Muuqaalka ayaa qayb ka ah barnaamij soconaya ku dhowaad 52 daqiiqo oo ay 10-kii September baahisay As-Sahab, oo ah garabka warbaahinta Al-Qaacida, maalin ka hor sanad-guuradii 25-aad ee weerarradii 11-kii September ee Mareykanka.
Barnaamijka ayaa isku daraya muuqaallo hore oo la xiriira weerarrada 9/11, hadallo iyo muuqaallo cusub oo Xamza Bin Laden ah, sida ay sheegtay hay’adda MEMRI oo kormeertay baahinta.
Xamza ayaa muuqaalka ka soo muuqda isagoo xiran dhar dhaqameed Afghanistan ah, isla markaana si toos ah ula hadlaya kaamaradda.
“Islaamku maanta wuxuu marayaa imtixaan adag, marxalad culus iyo dagaal dhan walba ah,” ayuu ku yiri muuqaalka, sida ay MEMRI u turjuntay hadalkiisa.
Waxa uu sheegay in dagaalka uu ka hadlayo uusan ku koobnayn dhinaca militariga, balse uu sidoo kale ku fidsan yahay dhinacyada diinta, dhaqanka iyo dhaqaalaha.
Xamza ayaa mar kale kasoo muuqda qaybaha dambe ee muuqaalka, halkaas oo lagu arkayo isaga oo tirinaya gabay.
Su’aalo ka dhashay xaaladdiisa
Muuqaalka cusub ayaa si gaar ah indhaha loogu hayaa, maadaama Mareykanka uu sanadkii 2019 shaaciyay in Xamza Bin Laden lagu dilay howlgal la dagaallanka argagixisada ah oo ka dhacay gobolka u dhexeeya Afghanistan iyo Pakistan.
Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Donald Trump ayaa 14-kii September 2019 sheegay in Xamza la dilay, isaga oo xilligaas ku tilmaamay shaqsi sare oo ka tirsanaa Al-Qaacida, kana qayb qaadanayay howlaha ururka.
Hase yeeshee, muuqaalka hadda la baahiyay ma caddeynayo goorta hadallada Xamza la duubay, mana xaqiijinayo inuu maanta nool yahay.
Al-Qaacida sidoo kale ma aysan bixin faahfaahin cad oo meesha ka saaraysa is-maandhaafka u dhexeeya sheegashadii Mareykanka ee dhimashadiisa iyo muuqaalka cusub.
MEMRI ayaa xustay in As-Sahab ay muuqaalka ugu magac-dartay si fudud “Xamza Bin Laden”, iyada oo aan raacin erayo caadi ahaan loo adeegsado xubnaha dhintay ee kooxaha jihaadiga ah.
Arrintaas ayaa sii kordhisay su’aalaha ku saabsan xaaladdiisa dhabta ah.
Magaca Bin Laden
Xamza Bin Laden ayaa kamid ahaa wiilasha Usama Bin Laden, oo Mareykanku ku dilay Pakistan sanadkii 2011.
Ka hor inta aan la shaacin dhimashadiisa, Xamza wuxuu si joogto ah uga soo muuqan jiray fariimaha codka ee Al-Qaacida, isaga oo ku baaqayay weerarro ka dhan ah Mareykanka iyo xulafadiisa.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa xilligaas u arkayay inuu noqon karo shaqsi muhiim ah oo mustaqbalka hoggaan sare ka qaban kara ururka.
Muuqaalka cusub ayaa hadalladiisa lagu dhex daray muuqaallo badan oo ku saabsan aabihiis iyo weerarradii 11-kii September, taas oo muujinaysa in Al-Qaacida ay weli magaca iyo dhaxalka qoyska Bin Laden u adeegsaneyso dacaayaddeeda.
Barnaamijka ayaa sidoo kale soo bandhigaya cod hore oo Usama Bin Laden ah, isagoo weerarradii 9/11 ku tilmaamaya dhacdo wax weyn ka beddeshay xiriirka u dhexeeya Al-Qaacida iyo Mareykanka.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · xamza · laden · bin