Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Xildhibaan Xaadoole oo ka hor yimid barakcinta & Dhul boobka Muqdisho
Khamiis 27 Aug 2026 {HMC} Xaflad ka dhacday degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa hareeyay hadal-heyn iyo muran la xiriira hadal uu halkaasi ka jeediyay Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), kaas oo si kulul uga hadlay xaaladda barakicinta shacabka iyo arrimaha dhulka ee ka taagan magaalada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa, hadalkiisa si toos […] The post Xildhiba

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Khamiis 27 Aug 2026 {HMC} Xaflad ka dhacday degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa hareeyay hadal-heyn iyo muran la xiriira hadal uu halkaasi ka jeediyay Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), kaas oo si kulul uga hadlay xaaladda barakicinta shacabka iyo arrimaha dhulka ee ka taagan magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa, hadalkiisa si toos ah ugu jeediyay dhaliilo la xiriira siyaasadda dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir, isaga oo si gaar ah u soo hadal qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Xaadoole ayaa la sheegay inuu walaac xooggan ka muujiyay xaaladda dadka Soomaaliyeed ee laga barakicinayo guryahooda iyo deegaannada ay muddo ku noolaayeen. Arrinta barakicinta shacabka ayaa muddooyinkii dambe noqotay mid si weyn uga dhex taagan bulshada Muqdisho, iyadoo ay soo baxayaan cabashooyin iyo muranno ku saabsan lahaanshaha dhulka, guryaha iyo habka loo fulinayo qorshayaasha dib-u-habeynta caasimadda.
Hadalka Xildhibaanka ayaa soo jiitay dareenka dadkii ka qeybgalayay xafladda iyo wariyeyaashii ku sugnaa goobta, maadaama uu ka hadlayay arrin xasaasi ah oo si toos ah u taabanaysa nolosha qoysas badan oo ku nool magaalada Muqdisho.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.