Xog: Xasan iyo Mahad Salaad oo shir xasaasi ah uga socdo Villa Somalia
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa haatan shir saacado qaatay uga socda xarunta Madaxtooyada Qaranka. Madaxweynaha iyo Mahad Salaad ayaa maanta salaaddii Jimcaha ku wada tukaday masaajidka Madaxtooyada, iyagoo markii laga baxay salaadda kadib galay shirka illaa haa

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa haatan shir saacado qaatay uga socda xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweynaha iyo Mahad Salaad ayaa maanta salaaddii Jimcaha ku wada tukaday masaajidka Madaxtooyada, iyagoo markii laga baxay salaadda kadib galay shirka illaa haatan uga socda Madaxtooyada.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan oo albaabadu u xiran yihiin ayaa labada mas’uul waxay uga wada-hadlayaan arrimaha doorashooyinka maamulka Galmudug, oo ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin.
Mahad Salaad oo ah musharrax u taagan xilka madaxtinimada Galmudug ayaa doonaya in doorashadu noqoto mid furan oo ka maran faragelinta Villa Somalia. Waxaa sidoo kale la sheegay in dowladda federaalka ay wadato musharrax Ganacsi Liibaan Shuluq.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.