Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Xuutiyiinta Yemen oo Weeraray Markab si qarsoodi ah u qaadi jiray Shidaalka Iiraan.
Jimco 21 Augs 2026 {HMC} Markabka ay shalay Gacanka Cadmeed kula wareegeen kooxo Soomaali ah ayaa hadda la sheegay inuu yahay markab xiriir la leh Iiraan oo si qarsoodi ah u qaadi jiray shidaalka Iiraan ee laga fogeynayo cunaqabateynta reer galbeedka, iyadoo markabkan oo lagu magacaabo SIBU 1 oo ku gooshayay calanka Eritrea, la sheegay […] The post Xuutiyiinta Yemen oo Weeraray Markab si qar

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Jimco 21 Augs 2026 {HMC} Markabka ay shalay Gacanka Cadmeed kula wareegeen kooxo Soomaali ah ayaa hadda la sheegay inuu yahay markab xiriir la leh Iiraan oo si qarsoodi ah u qaadi jiray shidaalka Iiraan ee laga fogeynayo cunaqabateynta reer galbeedka, iyadoo markabkan oo lagu magacaabo SIBU 1 oo ku gooshayay calanka Eritrea, la sheegay inuu shidaal u geyn jiray Xuutiyiinta Yemen, isagoo toddobaadyadii u dambeeyay shidaal geeyay dekedda Ras Ciise ee Yemen oo Xuutiyiintu gacanta ku hayaan, sida uu baahiyay wargeyska New York Times.
Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay kooxaha Soomaalida inay gacanta ku hayaan markab sida hub oo ku safrayay calanka Cameroon oo afar maalin ka hor ay la wareegeen.
Qabashada markab lala xiriiriyay Iiraan ee kooxo Soomaali ah ay gacanta ku dhigeen, waxay ku soo aadday xilli warbixinno ka soo baxay reer galbeedka iyo dalalka gobolka ay ku eedeynayeen kooxaha Soomaalida ee maraakiibta qafaasha inay xiriir la leeyihiin Xuutiyiinta Yemen iyo inay Iiraan u adeegsanayso cadaadis inay ka dhaliyaan Badda Cas, aragtidaa oo qabashada markabkan ay su’aal gelinayso, maaddama kooxaha Soomaalida ay u howlgalaan hab ka fogeyn istaraatijiyad iyo saameyn dibadda ah, iyagoo keliya inta badan diiradda saara sida ay lacag madax furasho ah u heli lahaayeen.
The post Xuutiyiinta Yemen oo Weeraray Markab si qarsoodi ah u qaadi jiray Shidaalka Iiraan. appeared first on HMC Somalia News .
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.