U gudub nuxurka
WARKASTA Qur’aan
SuuradahaWararka ↗
← Suuradaha111 / 114

SUURADDA 111 · 5 AAYADOOD

Al-masad

Qur’aanka iyo tarjumaadda macnihiisa ee af Soomaaliga

المسد

Dhageysiga Qur’aanka

Maher Al-Muaiqly

Aad u tartiib · Akhriska Carabiga · Xafs

Dooro aayadaha aad dhageysanayso

Waqtiyada aayadaha waa la soo dejinayaa…

Cabbirka qoraalka100%

Sheekha iyo cabbirka qoraalka waxay ku kaydsan yihiin qalabkan.

Tarjumaadda: Abdullah Hasan Yaqoub
QuranEnc · 1.0.27
Ilaha iyo xuquuqda ↗

MACNAHA AF SOOMAALIGAالقرآن الكريم
111:1

تَبَّتۡ يَدَآ أَبِي لَهَبٖ وَتَبَّ

Ha hoogeen labada gacmood ee Abuu-Lahab (waa Nabiga adeerki oo ahaa cadow Islaam, waxaana la mid ah oo soo galaya cadow Islaam kasta) hoogyeyna.

Faallooyinka tarjumaha

1. Ibnu Cabbaas a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Markay soo degtay Aayadda Qur'aanka ee leh: "U dig xigaaladaada kuu dhow". Nabigu s.c.w. wuxuu billaabay inuu u yeeraa ( qabaa'isha Carbeed): Reer Banii Fihirow, Reer Banii Cadiyow, isagoo mid mid u xusaya jilbaha iyo laamaha ay ka kooban yihiin Quraysh. Xitaa ninkii aan imaan karin wuxuu soo dirsaday cid ka socota isaga si uu u soo eego waxa jira. Markaasaa waxaa yimid Abuu Lahab iyo odayaashii Quraysh. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ka warrama haddaan idiin sheego ciidan fardooley ah oo soo socda toggan gadaashiisa ee dooneysa inay idin weeraraan ma iga rumeysan laheydeen? Waxay yidhaahdeen: Haa , kuguma baran waxaan run aheyn.. markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Haddaba waxaan idiinka digayaa cadaab daran oo idinku soo fool leh haddii aydaan Allaah rumeyn iyo Rusushiisa. Abuu Lahab wuxuu yidhi: Hoog oo ba' maanta oo idil, ma waxaan baad isugu kaaya yeertay? Markaasaa waxaa soo degay Tabbat Yadaa Abii Lahab…. (W.w. Al-Bukhaari).

111:2

مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُ مَالُهُۥ وَمَا كَسَبَ

Waxna uma tarin maalkiisa iyo wuxuu kasbaday.

111:3

سَيَصۡلَىٰ نَارٗا ذَاتَ لَهَبٖ

Wuxuu geli Naar olol badan.

111:4

وَٱمۡرَأَتُهُۥ حَمَّالَةَ ٱلۡحَطَبِ

Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah, (xanta, xinta iyo dirdirada badan),

111:5

فِي جِيدِهَا حَبۡلٞ مِّن مَّسَدِۭ

Qoorteeda waxaa la yeeli xadhig adag xaskul la soohay (oo Naar) ah.

← An-nasrAl-ikhlaas →
Al-masadMaher Al-Muaiqly

Qur’aanka Kariimka · Tarjumaadda macnaha ee af Soomaaliga

Ilaha, tarjumaadda iyo xuquuqda