قُلۡ هُوَ ٱللَّهُ أَحَدٌ
Dheh: Allaah waa Mid Keliya (Axad ah aan wax shariig ah lahayn).
SUURADDA 112 · 4 AAYADOOD
Qur’aanka iyo tarjumaadda macnihiisa ee af Soomaaliga
قُلۡ هُوَ ٱللَّهُ أَحَدٌ
Dheh: Allaah waa Mid Keliya (Axad ah aan wax shariig ah lahayn).
ٱللَّهُ ٱلصَّمَدُ
Allaah waa Sayidka Deeqtoon (ma baahdaha loo wada baahan yahay).
لَمۡ يَلِدۡ وَلَمۡ يُولَدۡ
Ma dhalin (ma leh ilmo), lamana dhalin (ma leh waalid - aabbe iyo hooyo - iyo xaas midna).
وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ كُفُوًا أَحَدُۢ
Ma jiro axad u dhigma (Alle oo la mid ah ama la barbar dhigo).