U gudub nuxurka
WARKASTA Qur’aan
SuuradahaWararka ↗
← Suuradaha56 / 114

SUURADDA 56 · 96 AAYADOOD

Alwaaqicah

Qur’aanka iyo tarjumaadda macnihiisa ee af Soomaaliga

الواقعة

Dhageysiga Qur’aanka

Maher Al-Muaiqly

Aad u tartiib · Akhriska Carabiga · Xafs

Dooro aayadaha aad dhageysanayso

Waqtiyada aayadaha waa la soo dejinayaa…

Cabbirka qoraalka100%

Sheekha iyo cabbirka qoraalka waxay ku kaydsan yihiin qalabkan.

Tarjumaadda: Abdullah Hasan Yaqoub
QuranEnc · 1.0.27
Ilaha iyo xuquuqda ↗

MACNAHA AF SOOMAALIGAالقرآن الكريم
56:1

إِذَا وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ

Markay dhacdada weyni dhacdo (waa Qiyaamada).1

Faallooyinka tarjumaha

1. Al-Waaqica: Dhacdada dhici doonta, waxaa loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha.

56:2

لَيۡسَ لِوَقۡعَتِهَا كَاذِبَةٌ

Ma jiro dhiciddeeda wax beenin.

56:3

خَافِضَةٞ رَّافِعَةٌ

Hoos u dhigeysa (ehlu Naarka) kor u qaadeysa (ehlu Jannaha).

Faallooyinka tarjumaha

2. Hadba sida camalkoodu yahay oo looma eegayo maal iyo jago uu hayo siduu yahay xaalka adduunkan.

56:4

إِذَا رُجَّتِ ٱلۡأَرۡضُ رَجّٗا

Marka la gilgilo dhulka gilgilid daran.

56:5

وَبُسَّتِ ٱلۡجِبَالُ بَسّٗا

Buuraha la ridqo ridqin daran.

56:6

فَكَانَتۡ هَبَآءٗ مُّنۢبَثّٗا

Oo ay noqoto sida boor firdhisan.

56:7

وَكُنتُمۡ أَزۡوَٰجٗا ثَلَٰثَةٗ

Oo aad ahaataan (dadow) saddex nooc.

56:8

فَأَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ

Kuwa ah Gacanta Midig (ehlu jannaha), nasiib badanaa kuwa ah Gacanta Midig.

56:9

وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ

Kuwase ah Gacanta Bidix (ehlu Naarka), ayaan darnaa kuwa ah Gacanta Bidix.

56:10

وَٱلسَّـٰبِقُونَ ٱلسَّـٰبِقُونَ

Kuwa u hor mara (Iimaanka iyo falashada camallada wanaagsan) iyagaa horreyn.

Faallooyinka tarjumaha

3. Sida anbiyada Ilaahay iyo kuwa horey ka rumeeyey iyagaa hor geli doona Jannada.

56:11

أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلۡمُقَرَّبُونَ

Waa kuwa loo soo dhoweyn (Ilaahay).

56:12

فِي جَنَّـٰتِ ٱلنَّعِيمِ

Waxay Ku sugnaan Beero barwaaqo ah gudahood (jannooyin).

56:13

ثُلَّةٞ مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ

(Ay geli) jameeco badan oo ah horraankii (ummadan iyo ummadaha kaleba).

56:14

وَقَلِيلٞ مِّنَ ٱلۡأٓخِرِينَ

Iyo in yar oo ka mid ah facyadii dambe.

Faallooyinka tarjumaha

4. Waxaa loola jeedaa kuwii ahaa aakhirka ummaddan.

56:15

عَلَىٰ سُرُرٖ مَّوۡضُونَةٖ

Iyagoo ku sugnaan sariiro dahab lagu qurxiyey.

56:16

مُّتَّكِـِٔينَ عَلَيۡهَا مُتَقَٰبِلِينَ

Ku dangiigsan korkeeda,fool ka fool ah.

56:17

يَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ وِلۡدَٰنٞ مُّخَلَّدُونَ

Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doona,

56:18

بِأَكۡوَابٖ وَأَبَارِيقَ وَكَأۡسٖ مِّن مَّعِينٖ

Koobab iyo kirliyo iyo galaasyo (khamri saafi ah) xagga il socota (Jannada).

56:19

لَّا يُصَدَّعُونَ عَنۡهَا وَلَا يُنزِفُونَ

Aanu marnaba madaxu ku wareerin kuna maan guurin.

56:20

وَفَٰكِهَةٖ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ

Iyo midho waxay doortaan ah.

56:21

وَلَحۡمِ طَيۡرٖ مِّمَّا يَشۡتَهُونَ

Iyo hilib shimbiro kay rabaanba.

56:22

وَحُورٌ عِينٞ

Oo (ay u wehelin doonaan) xuurul cayn.

56:23

كَأَمۡثَٰلِ ٱللُّؤۡلُوِٕ ٱلۡمَكۡنُونِ

La moodo luul la dhowray.

56:24

جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

Waa abaalgud waxay camalsan fali jireen.

56:25

لَا يَسۡمَعُونَ فِيهَا لَغۡوٗا وَلَا تَأۡثِيمًا

Kuma maqlaan (Jannada) hadal macno darro ah iyo denbi midna.

56:26

إِلَّا قِيلٗا سَلَٰمٗا سَلَٰمٗا

Waxaan ahayn odhaahda nabad nabad.

56:27

وَأَصۡحَٰبُ ٱلۡيَمِينِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلۡيَمِينِ

Kuwa ah Gacanta Midig, nasiib badanaa kuwa ah Gacanta Midig?.

56:28

فِي سِدۡرٖ مَّخۡضُودٖ

(Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn.

56:29

وَطَلۡحٖ مَّنضُودٖ

Iyo geedo Muus ah midho karooran.

56:30

وَظِلّٖ مَّمۡدُودٖ

Iyo har fidsan,

56:31

وَمَآءٖ مَّسۡكُوبٖ

Iyo biyo u socda joogto,

56:32

وَفَٰكِهَةٖ كَثِيرَةٖ

Iyo midho tiro badan.

56:33

لَّا مَقۡطُوعَةٖ وَلَا مَمۡنُوعَةٖ

Marnaba aan go’eyn, la isuna diideyn.

56:34

وَفُرُشٖ مَّرۡفُوعَةٍ

Iyo sariiro (boqoreed) la kor yeelay.

56:35

إِنَّآ أَنشَأۡنَٰهُنَّ إِنشَآءٗ

Waxaan Annaga (Alle ah) ka yeeli inay soo baxaan iyaga (haweenkii adduunka ee Jannada galay) soo bixid gaar ah.

56:36

فَجَعَلۡنَٰهُنَّ أَبۡكَارًا

Kana dhigi bikrooyin ugub ah.

56:37

عُرُبًا أَتۡرَابٗا

Gacalooyin, isku wada da’ ah.

56:38

لِّأَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ

Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig.

56:39

ثُلَّةٞ مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ

Kuwo badan oo ka mid ah waa facyadii hore.

56:40

وَثُلَّةٞ مِّنَ ٱلۡأٓخِرِينَ

Kuwo badan oo ka mid ahna facyada dambe.

56:41

وَأَصۡحَٰبُ ٱلشِّمَالِ مَآ أَصۡحَٰبُ ٱلشِّمَالِ

Kuwase ah Gacanta Bidix-ayaan darnaa kuwaa ah Gacanta Bidix (ehlu Naarka)?

56:42

فِي سَمُومٖ وَحَمِيمٖ

Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya.

56:43

وَظِلّٖ مِّن يَحۡمُومٖ

Iyo hoos qiiq badan.

56:44

لَّا بَارِدٖ وَلَا كَرِيمٍ

Aan laheyn qabow iyo arag fiican midna.

56:45

إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَبۡلَ ذَٰلِكَ مُتۡرَفِينَ

Waxay ahaayeen taa horteed (adduunka) kuwo ku raaxeysta (xaaraan).

56:46

وَكَانُواْ يُصِرُّونَ عَلَى ٱلۡحِنثِ ٱلۡعَظِيمِ

Oo waxay ku adkeysan jireen Denbiga weyn (shirkiga).

56:47

وَكَانُواْ يَقُولُونَ أَئِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ

Waxayna odhan jireen: Ma markaan dhimanno oo noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo nooleyn (dhimashada kaddib)?.

56:48

أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ

Sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)?

56:49

قُلۡ إِنَّ ٱلۡأَوَّلِينَ وَٱلۡأٓخِرِينَ

Dheh, kuwii hore iyo kuwa dambaba.

56:50

لَمَجۡمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَٰتِ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ

Waxaa hubaal loo soo kulmin wada jir madal Maalin la yaqaan (Qiyaamada).

56:51

ثُمَّ إِنَّكُمۡ أَيُّهَا ٱلضَّآلُّونَ ٱلۡمُكَذِّبُونَ

Markaas idinka kuwiinan habowsana- yaasha ahow, ee beeniyow (Qiyaamaha).

56:52

لَأٓكِلُونَ مِن شَجَرٖ مِّن زَقُّومٖ

Waxaad wax ka cuneysaan geed xun oo Zaqquum ah.

Faallooyinka tarjumaha

5. Waa geed Naarta ku yaal oo u keena xanuun daran qofkii cuna.

56:53

فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ

Oo ka buuxineysaan caloolihiinna.

56:54

فَشَٰرِبُونَ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡحَمِيمِ

Waxaad ku cabbeyssan biyo kulul oo karkaraya.

56:55

فَشَٰرِبُونَ شُرۡبَ ٱلۡهِيمِ

U cabbeysaan sida cabbidda geel asqoobay.

56:56

هَٰذَا نُزُلُهُمۡ يَوۡمَ ٱلدِّينِ

Kaasi waa waxa lagu soori (gaalada) Maalinta Abaal marinta (Qiyaamaha).

56:57

نَحۡنُ خَلَقۡنَٰكُمۡ فَلَوۡلَا تُصَدِّقُونَ

Annagaa (waa Alle'e) idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen?

56:58

أَفَرَءَيۡتُم مَّا تُمۡنُونَ

Ma u fiirsateen minada idinka timaadda?

56:59

ءَأَنتُمۡ تَخۡلُقُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡخَٰلِقُونَ

Ma idinkaa abuura mise waa Annaga (Allaah ah) Abuurayaasha?

56:60

نَحۡنُ قَدَّرۡنَا بَيۡنَكُمُ ٱلۡمَوۡتَ وَمَا نَحۡنُ بِمَسۡبُوقِينَ

Annagaa idiin qaddarnay dhimashada dhexdiinna, mana jiro qof naga baxsan kara.

56:61

عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ أَمۡثَٰلَكُمۡ وَنُنشِئَكُمۡ فِي مَا لَا تَعۡلَمُونَ

Inaan idinku beddelno kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo saarno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn.

56:62

وَلَقَدۡ عَلِمۡتُمُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُولَىٰ فَلَوۡلَا تَذَكَّرُونَ

Waadna og tihiin abuuriddii hore, ee miyeydaan waantoobeyn?

56:63

أَفَرَءَيۡتُم مَّا تَحۡرُثُونَ

Ma u fiirsateen waxaad beertaan?;

56:64

ءَأَنتُمۡ تَزۡرَعُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلزَّـٰرِعُونَ

Ma idinkaa soo bixiya, mise waa Annaga (Alle ah) Kuwa soo Bixiya?

56:65

لَوۡ نَشَآءُ لَجَعَلۡنَٰهُ حُطَٰمٗا فَظَلۡتُمۡ تَفَكَّهُونَ

Haddaan Doonno,waxaan ka dhigeynaa xaabo engagan, markaasaad ka xumaan.

56:66

إِنَّا لَمُغۡرَمُونَ

(idinkoo leh): Waa nala khasaariyey.

56:67

بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ

Balse waa nala hoojiyey.

56:68

أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلۡمَآءَ ٱلَّذِي تَشۡرَبُونَ

Ma u fiirsateen biyahaad cabtaan?

56:69

ءَأَنتُمۡ أَنزَلۡتُمُوهُ مِنَ ٱلۡمُزۡنِ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنزِلُونَ

Ma idinkaa kuwa ka soo dejiya daruura- ha, mise Annaga weeye kuwa soo dejiya?

56:70

لَوۡ نَشَآءُ جَعَلۡنَٰهُ أُجَاجٗا فَلَوۡلَا تَشۡكُرُونَ

Haddaan doonno, Waxaan ka dhigeynaa jaan dhanaan oo milix ah (aan la dhami karin), ee maad ku shukridaan (Alle)?

56:71

أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلنَّارَ ٱلَّتِي تُورُونَ

Ma u fiirsateen dabka aad madagta ka shiddaan.

56:72

ءَأَنتُمۡ أَنشَأۡتُمۡ شَجَرَتَهَآ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنشِـُٔونَ

Ma idinkaa kuwa u soo saara geedaha, mise Annaga (Alle ah) weeye soo saarayaasha?

56:73

نَحۡنُ جَعَلۡنَٰهَا تَذۡكِرَةٗ وَمَتَٰعٗا لِّلۡمُقۡوِينَ

Annaga (Alle ah) baa waxaynu ka dhignay xusuus; iyo waxay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha (iyo qeyrkoodba).

Faallooyinka tarjumaha

6. Musaafiriinta ama socotada waxaa halkan loogu xusay gaar ahaan inuu arrinkaasi mudnaan gaar ah u leeyahay iyaga, inkastoo uu yahay sahay ay u baahan yihiin dadka guud ahaan. Dabkana waxaa lagu xusuustaa Naarta Aakhiro.

56:74

فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ

Ee xurmee oo ku tasbiixso Magaca (Alle) Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.

56:75

۞فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَوَٰقِعِ ٱلنُّجُومِ

Mayee, Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan.

56:76

وَإِنَّهُۥ لَقَسَمٞ لَّوۡ تَعۡلَمُونَ عَظِيمٌ

Waana dhaar weyn, haddaad ogaan lahaydeen.

56:77

إِنَّهُۥ لَقُرۡءَانٞ كَرِيمٞ

Hubaal kani waa Qur'aan Sharaf Badan.

56:78

فِي كِتَٰبٖ مَّكۡنُونٖ

Ku yaal Kitaab aad la dhowray (Looxa Maxfuudka).

56:79

لَّا يَمَسُّهُۥٓ إِلَّا ٱلۡمُطَهَّرُونَ

Cidna taaban kuwa la daahiriyey mooyee (malaa’igta).

56:80

تَنزِيلٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Waa soo dejinta Rabbiga uumanka.

56:81

أَفَبِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ أَنتُم مُّدۡهِنُونَ

Ma warkan (Qur’aanka) baad (gaaloy) u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn?

56:82

وَتَجۡعَلُونَ رِزۡقَكُمۡ أَنَّكُمۡ تُكَذِّبُونَ

oo aad ka yeeleysaan (mahaddii) risiqiinna beenin (Xaqa).

56:83

فَلَوۡلَآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلۡحُلۡقُومَ

Maxaydaan markay (naftu) dhuunta gaadho.

56:84

وَأَنتُمۡ حِينَئِذٖ تَنظُرُونَ

Idinkuna markaas aad u jeeddaan (qofka dhiman).

56:85

وَنَحۡنُ أَقۡرَبُ إِلَيۡهِ مِنكُمۡ وَلَٰكِن لَّا تُبۡصِرُونَ

Annaguna (Alle ah Ogaal iyo Awood ahaan iyo malaa’igtayada) idiinka dhownahay, laakiinse aydaan arkayn.

56:86

فَلَوۡلَآ إِن كُنتُمۡ غَيۡرَ مَدِينِينَ

Haddaad tihiin kuwo aan la soo bixineyn oo la xisaabineyn (Aakhirada).

56:87

تَرۡجِعُونَهَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

Maxaad Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddaad run sheegeysaan?

56:88

فَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ

Hadduu ka mid yahay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah).

56:89

فَرَوۡحٞ وَرَيۡحَانٞ وَجَنَّتُ نَعِيمٖ

Waxaa u ahaaday raaxo, reynreyn, reexaan udgoon iyo Janno barwaaqo ah.

56:90

وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ

Hadduu ka mid yahay kuwa ah gacanta midig (ehlu Jannada).

56:91

فَسَلَٰمٞ لَّكَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡيَمِينِ

Nabad baa idiin sugnaatay kuwa ahow gacanta midig.

56:92

وَأَمَّآ إِن كَانَ مِنَ ٱلۡمُكَذِّبِينَ ٱلضَّآلِّينَ

Haddiise uu ka mid yahay (Xaq) beeniyayaasha, habowsanaaysaha ah.

56:93

فَنُزُلٞ مِّنۡ حَمِيمٖ

Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya.

56:94

وَتَصۡلِيَةُ جَحِيمٍ

Iyo ku gubasho Dabka aan dameyn ee ololka badan (Naarta).

56:95

إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ حَقُّ ٱلۡيَقِينِ

Arrinkani waa run la hubo oo xaqiiq ah.

56:96

فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ

Ee xurmee oo huf Magaca (Alle) Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.

← Ar-raxmaanA-lxadiid →
AlwaaqicahMaher Al-Muaiqly

Qur’aanka Kariimka · Tarjumaadda macnaha ee af Soomaaliga

Ilaha, tarjumaadda iyo xuquuqda