U gudub nuxurka
WARKASTA Qur’aan
SuuradahaWararka ↗
← Suuradaha92 / 114

SUURADDA 92 · 21 AAYADOOD

Al-layl

Qur’aanka iyo tarjumaadda macnihiisa ee af Soomaaliga

الليل

Dhageysiga Qur’aanka

Maher Al-Muaiqly

Aad u tartiib · Akhriska Carabiga · Xafs

Dooro aayadaha aad dhageysanayso

Waqtiyada aayadaha waa la soo dejinayaa…

Cabbirka qoraalka100%

Sheekha iyo cabbirka qoraalka waxay ku kaydsan yihiin qalabkan.

Tarjumaadda: Abdullah Hasan Yaqoub
QuranEnc · 1.0.27
Ilaha iyo xuquuqda ↗

MACNAHA AF SOOMAALIGAالقرآن الكريم
92:1

وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰ

Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay habeenka markuu daboolo (waxa samada iyo arlada dhexdooda ah).

92:2

وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ

Iyo maalinta markay muuqato (ifto);

92:3

وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ

Iyo abuurista labka iyo dheddigga.

92:4

إِنَّ سَعۡيَكُمۡ لَشَتَّىٰ

Camalkiinnu (dadow) waa kala duwan yahay.

92:5

فَأَمَّا مَنۡ أَعۡطَىٰ وَٱتَّقَىٰ

Ma kan bixiya (xuquuqda lagu leeyahay) oo iska jira (shirki iyo macaasi).

92:6

وَصَدَّقَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ

Ee rumeeya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada):

92:7

فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡيُسۡرَىٰ

Waxaan u fududeyneynaa jidka fudud (Islaamka).

92:8

وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسۡتَغۡنَىٰ

Qofkiise ku bakheyla (maalka) oo isu arka mid deeqtoon (iskibriya).

92:9

وَكَذَّبَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ

Oo beeniya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada).

92:10

فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡعُسۡرَىٰ

Waxaan u fududeyneynaa jidka xun (dhabbaha Naarta);

92:11

وَمَا يُغۡنِي عَنۡهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ

Maalkiisu wax uma taro markuu halaagsamo.

92:12

إِنَّ عَلَيۡنَا لَلۡهُدَىٰ

Annagaa (Alle ah) wax hanuuninna,

92:13

وَإِنَّ لَنَا لَلۡأٓخِرَةَ وَٱلۡأُولَىٰ

Oo Annagaa leh Aakhiro iyo adduunba.

92:14

فَأَنذَرۡتُكُمۡ نَارٗا تَلَظَّىٰ

Waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa.

92:15

لَا يَصۡلَىٰهَآ إِلَّا ٱلۡأَشۡقَى

Uusan galaynin qof xun mooyaane.

92:16

ٱلَّذِي كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

Ee (Xaqa) beeniya oo ka jeesada.

92:17

وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلۡأَتۡقَى

Waxaa laga fogeyn (Naarta) kan (ka) dhowrsada (shirkiga iyo xumaha).

92:18

ٱلَّذِي يُؤۡتِي مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ

Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo.

92:19

وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعۡمَةٖ تُجۡزَىٰٓ

Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal uu u gudayo.

92:20

إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ رَبِّهِ ٱلۡأَعۡلَىٰ

Waxse u bixiya doonista Wejiga Rabbigi, ee Sarreeya.

92:21

وَلَسَوۡفَ يَرۡضَىٰ

Wuu raalli noqon doonaa qofkaasi.

← Ash-shamsAd-duxaa →
Al-laylMaher Al-Muaiqly

Qur’aanka Kariimka · Tarjumaadda macnaha ee af Soomaaliga

Ilaha, tarjumaadda iyo xuquuqda