Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen oo la xukumay
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiNuur Ibraahim Sahal ayaa lagu xukumay dil toogasho kadib markii uu dilay Libaan Nuux Sooc intii uu muran ka dhashay ciyaar Turub.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Eedeysanaha ayaa ka carooday in loo diiday Turub ay askartu dheelayeen, madaama loo arkay in uusan wax aqoon ah u laheyn Ciyaarta, waxaana uu doontay Qori AK-47 ah, si xoog uu ugu Ciyaaro, marxuumka ayaana isna ku adkeystay go’aanka Diidmada Turubka uu isagu lahaa.
- Intaasi kadib Eedeysane Nuur, ayaa aflagaado iyo xabado tiro beel ah is daba dhigay, isaggoo adeegsanaya Qori Ak-47 ah, taasi oo keentay geerida Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.
- Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Kowdii Bishaan October 2026.
- Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin fursadaha sharciga ee Nuur Ibraahim Sahal ka dib xukunka?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Nuur Ibraahim Sahal ayaa lagu soo eedeyay dil ka dhan ah Libaan Nuux Sooc intii uu muran ka dhashay ciyaar Turub.
- Falkaasi, ayaana ka dhacay degmadda Xamar jajab, taariikhdu markii ay aheyd labo iyo tobankii bishii todobaad ee Sanadkaan 2026.
- Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku xukumay Ex-Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal Dil Toogasho.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Ex Dable Booliska Libaan Nuux Sooc oo ay kawada tirsanaayeen Ciidanka laanta ilaalada canshuuraha Booliska, falkaasi, ayaana ka dhacay degmadda Xamar jajab, taariikhdu markii ay aheyd labo iyo tobankii bishii todobaad ee Sanadkaan 2026.
Eedeysanaha ayaa ka carooday in loo diiday Turub ay askartu dheelayeen, madaama loo arkay in uusan wax aqoon ah u laheyn Ciyaarta, waxaana uu doontay Qori AK-47 ah, si xoog uu ugu Ciyaaro, marxuumka ayaana isna ku adkeystay go’aanka Diidmada Turubka uu isagu lahaa.
Intaasi kadib Eedeysane Nuur, ayaa aflagaado iyo xabado tiro beel ah is daba dhigay, isaggoo adeegsanaya Qori Ak-47 ah, taasi oo keentay geerida Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Kowdii Bishaan October 2026.
Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.
Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Nuur Ibraahim Sahal ayaa lagu xukumay dil toogasho kadib markii uu dilay Libaan Nuux Sooc intii uu muran ka dhashay ciyaar Turub.
Qodobada muhiimka ah
- Nuur Ibraahim Sahal ayaa lagu soo eedeyay dil ka dhan ah Libaan Nuux Sooc intii uu muran ka dhashay ciyaar Turub.
- Falkaasi, ayaana ka dhacay degmadda Xamar jajab, taariikhdu markii ay aheyd labo iyo tobankii bishii todobaad ee Sanadkaan 2026.
- Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku xukumay Ex-Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal Dil Toogasho.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Nuur Ibraahim Sahal ama wakiiladiisa sharciga.
- Eedeymaha ayaa si weyn ugu tiirsan bayaanada ka soo baxay maxkamadda ciidamada iyo mas'uuliyiinteeda.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan dhacdooyinka ama eedeymaha ma jiraan.
Gunaanadka akhristaha
Nuur Ibraahim Sahal ayaa lagu xukumay dil toogasho kadib markii uu dilay Libaan Nuux Sooc intii uu muran ka dhashay ciyaar Turub.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin fursadaha sharciga ee Nuur Ibraahim Sahal ka dib xukunka?
- Ma jiraan racfaan la qorsheeyay oo ka dhan ah go'aanka maxkamadda?
- Maxay yihiin saameynta ballaaran ee kiiskan ku yeelan karto cadaaladda milatariga ee Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · askari · caro · xukumay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada