Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay colaadda ka socota deegaanka Aricadeeye, taas oo dhex martay laba beelood oo walaalo ah, sababtayna khasaare nafeed. Wasaaraddu waxay cambaaraynaysaa falalka gacan ka hadalka ah ee sababay dhimasho iyo dhaawaca dadka rayidka ah. Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah […]
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay colaadda ka socota deegaanka Aricadeeye, taas oo dhex martay laba beelood oo walaalo ah, sababtayna khasaare nafeed.
Maxaa la shaaciyey
- Wasaaraddu waxay cambaaraynaysaa falalka gacan ka hadalka ah ee sababay dhimasho iyo dhaawaca dadka rayidka ah.
- Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka.
- Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, iyo Waxgaradka deegaanka ayaa lagu baaqayaa inay ka qayb qaataan dejinta xiisadda.
Macnaha guud
Colaadda ka socota Aricadeeye ayaa sababay khasaare nafeed, taas oo keentay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka hadasho.
“Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Waxgaradka deegaanka iyo dhammaan masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari inay door muuqda ka qaataan dejinta xiisadda colaadeed.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda nabadgelyo ee ka jirta Aricadeeye iyo baaqyada nabadeed ee ka imaanaya dowladda.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay colaadda ka socota deegaanka Aricadeeye, taas oo dhex martay laba beelood oo walaalo ah, sababtayna khasaare nafeed.
Wasaaraddu waxay cambaaraynaysaa falalka gacan ka hadalka ah ee sababay dhimasho iyo dhaawaca dadka rayidka ah.
Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda, iyadoo dhinacyada ay khusayso loogu baaqayo inay ka horumariyaan nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta Xasiloonida shacabka.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Waxgaradka deegaanka iyo dhammaan masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari inay door muuqda ka qaataan dejinta xiisadda colaadeed, xoojinta wada hadalka iyo raadinta xal nabadeed oo waara si looga hortago in colaaddani sii fiddo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.