Baashe Yuusuf oo shaaciyey in uu halis wajahayo kadib markii ciidamada dowladda ay…
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiBaashe Yuusuf Axmed ayaa muujiyey in uusan ammaan ku haysan Muqdisho kadib markii ciidamada dowladda la geeyey Maxkamadda Sare, isagoo diiday sharciyadda xil-ka-qaadistiisa.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayMuranka xil-ka-qaadista Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 4-tii Nofeembar xilka ka qaaday Baashe, isagoo beddelkiisa u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.
- Baashe ayaa Madaxweynaha ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo garsoorka, isla markaana awoodda dowladda u adeegsanayo hab ka hor imaanaya sharciga.
- “Caasimadda dalkayga ammaan kuma haysto,” ayuu yiri Baashe, sida ay baahisay Radio Risaala.
- Wuxuu Xasan Sheekh ugu baaqay inuu dalka u turo, taladana ku saleeyo wada-tashi, isagoo xusuusiyey mas’uuliyadda ka saaran isu keenidda Soomaalida iyo ilaalinta midnimada dalka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Baashe uu qaadi doono kadib markii ciidamada la geeyey?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in uusan ammaan ku haysan Muqdisho kadib markii ciidamada dowladda la geeyey Maxkamadda Sare.
- Baashe ayaa Madaxweynaha ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo garsoorka, isla markaana awoodda dowladda u adeegsanayo hab ka hor imaanaya sharciga.
- Maxkamaddu waxay ku doodday in Madaxweynaha aanu lahayn awood uu keligiis xilka uga qaado guddoomiyaha.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) — Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka ka qaaday, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta sheegay in uusan ammaan ku haysan Muqdisho, isagoo diiday sharciyadda xil-ka-qaadistiisa, kuna baaqay in ciidamada laga saaro xarunta maxkamadda.
Baashe ayaa Madaxweynaha ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo garsoorka, isla markaana awoodda dowladda u adeegsanayo hab ka hor imaanaya sharciga.
“Caasimadda dalkayga ammaan kuma haysto,” ayuu yiri Baashe, sida ay baahisay Radio Risaala.
Wuxuu Xasan Sheekh ugu baaqay inuu dalka u turo, taladana ku saleeyo wada-tashi, isagoo xusuusiyey mas’uuliyadda ka saaran isu keenidda Soomaalida iyo ilaalinta midnimada dalka.
Baashe, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in ciidamo badan la geeyey xarunta Maxkamadda Sare, taas oo uu ku tilmaamay arrin cabsi ku abuurtay, khatarna gelisay ammaankiisa.
“Ma difaacayo xilka, ee waxaan difaacayaa sharciga. Madaxweynaha waa inuu ciidanka saddexda boqol ee uu dul dhigay Maxkamadda ka dulqaadaa,” ayuu yiri, sida ay werisay Shabelle.
Wuxuu ku adkeystay in diidmadiisu ku saabsan tahay dhowrista sharciga iyo madax-bannaanida garsoorka. Tirada ciidamada uu sheegay si madax-bannaan looma xaqiijin.
Mar wax laga weydiiyey eedeymaha ku saabsan xiriir uu la leeyahay dalal shisheeye, Baashe ayaa diiday in Maxkamadda Sare lagu tilmaamo hay’ad dal kale u shaqeysa. Wuxuu sheegay in eedeymaha noocaas ahi dhaawacayaan dowladnimada, garsoorkana lagu hayo handadaad iyo beegsi.
Baashe ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu aqbalo xukunkii Maxkamadda Sare ee 5-tii Nofeembar ee la xiriiray muddo-xileedka hay’adaha federaalka.
Muranka xil-ka-qaadista
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 4-tii Nofeembar xilka ka qaaday Baashe, isagoo beddelkiisa u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.
Madaxtooyadu waxay tallaabadaas ku sababeysay cabashooyin ka yimid garsoorayaal, shaqaalaha garsoorka iyo xirfadlayaasha sharciga oo ku saabsan hufnaanta iyo caddaaladda nidaamka garsoorka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameeyo hay’adaha garsoorka, si shacabka loogu helo caddaalad lagu kalsoonaan karo.
Hase yeeshee, Maxkamadda Sare ayaa maalintii xigtay ku dhawaaqday inaanay waxba ka jirin xil-ka-qaadista Baashe. Waxay ku doodday in Madaxweynaha aanu lahayn awood uu keligiis xilka uga qaado guddoomiyaha, iyadoo tallaabada ku tilmaantay mid lagu carqaladeynayo dacwad dastuuri ah oo maxkamadda hortaalay.
Dacwaddaas ayaa la xiriirtay wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddada xil-haynta hay’adaha federaalka. Maxkamaddu waxay xukuntay in muddo-xileedyadu dhammaadeen, doorashooyinna lagu qabto 90 maalmood gudahood.
Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa 6-dii Nofeembar diiday xukunka, isagoo ku dooday inuu ka madhan yahay sal sharci ah. Xafiisku wuxuu sidoo kale sheegay in maxkamaddu aanay marka hore go’aan ka gaarin diidmadii ay dowladdu ka gudbisay awoodda maxkamadda ee qaadista dacwadda iyo habraaca loo maray.
Iyadoo murankaasi taagan yahay, Xasan Sheekh ayaa maabta ka qeybgalay dhaarinta Ibraahim Iidle Suleymaan.
Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha cusub kula dardaarmay dhowrista sharciga, madax-bannaanida garsoorka iyo caddaalad loo siman yahay. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare iyo Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Baashe Yuusuf Axmed ayaa muujiyey in uusan ammaan ku haysan Muqdisho kadib markii ciidamada dowladda la geeyey Maxkamadda Sare, isagoo diiday sharciyadda xil-ka-qaadistiisa.
Qodobada muhiimka ah
- Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in uusan ammaan ku haysan Muqdisho kadib markii ciidamada dowladda la geeyey Maxkamadda Sare.
- Baashe ayaa Madaxweynaha ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo garsoorka, isla markaana awoodda dowladda u adeegsanayo hab ka hor imaanaya sharciga.
- Maxkamaddu waxay ku doodday in Madaxweynaha aanu lahayn awood uu keligiis xilka uga qaado guddoomiyaha.
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 4-tii Nofeembar xilka ka qaaday Baashe, isagoo beddelkiisa u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada ciidamada la geeyey.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid Madaxweynaha oo ku saabsan eedeymaha Baashe.
- Maqaalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay hadallada Baashe iyo Maxkamadda Sare iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Eedeymaha Baashe Yuusuf ayaa muujinaya khilaafaadka socda ee u dhexeeya garsoorka iyo dowladda Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Baashe uu qaadi doono kadib markii ciidamada la geeyey?
- Sidee ayay dowladda uga jawaabi doontaa eedeymaha Baashe ee ku saabsan faragelinta?
- Maxay yihiin saameynta xukunka Maxkamadda Sare ee mustaqbalka garsoorka Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ciidamada · baashe · yuusuf
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada