Barack Obama oo garab istaag wayn u muujiyay Ilhan Omar
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiBarack Obama ayaa garab istaag buuxa u muujiyay Ilhan Omar oo ay haatan si wayn isku hayaan Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump, isagoo ka digay in siyaasiyiinta aragtida ka duwan la beegsado.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Maamulka Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay inuu cadaadis siyaasadeed ku hayo Xildhibaan Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota, kaddib markii hay’adaha federaalka Mareykanka ay baaritaan ku sameeyeen gurigeeda, isla markaana ay la wareegeen taleefankeeda iyo dukumentiyo gaar ah.
- Obama oo si kulul uga hadlay dhacdooyinkan ayaa ka digay in ficillada noocan ah ay mustaqbalka caadi ka noqon karaan siyaasadda Mareykanka, isla markaana ay u gogol xaari karaan in madaxda dambe ay cadaadis ku saaraan siyaasiyiinta ay isku aragtida duwan yihiin.
- Sidoo kale wuxuu sheegay in haddii tallaabada Trump ee ka dhanka ah Ilhan loo arko mid caadi ah, aysan jirin wax dammaanad qaadaya in aan isla habkaas loo adeegsan doonin siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah.
- “Haddii weerarka Trump ee Ilhaan noqdo wax caadi ah, ma jirto wax dammaanad qaadaya inay ku ekaan doonto iyada oo keliya.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha ka dhex jira siyaasiyiinta Mareykanka wuxuuna kor u qaadaya walaaca ku saabsan cawaaqibka ka dhasha beegsiga siyaasiyiinta iyadoo lagu saleynayo aragtidooda.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay hay'adaha federaalka ka qaadeen Ilhan Omar?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Barack Obama ayaa garab istaag buuxa u muujiyay Ilhan Omar oo ay haatan si wayn isku hayaan Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump.
- Obama ayaa ka digay in tallaabooyinka lagu beegsanayo siyaasiyiinta aragtida ka duwan maamulka ay mustaqbalka horseedi karaan in awoodda dowladda loo adeegsado loollanka siyaasadeed.
- Ilhan Omar, oo 44 jir ah, ayaa marar badan beenisay eedeymaha la xiriira khiyaano dhanka socdaalka ah, iyadoo ku tilmaantay weerarro siyaasadeed oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Trump.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama ayaa garab istaag buuxa u muujiyay Xildhibaan Ilhan Omar oo ay haatan si wayn isku hayaan Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump, isaga oo ka digay in tallaabooyinka lagu beegsanayo siyaasiyiinta aragtida ka duwan maamulka ay mustaqbalka horseedi karaan in awoodda dowladda loo adeegsado loollanka siyaasadeed.
Maamulka Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay inuu cadaadis siyaasadeed ku hayo Xildhibaan Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota, kaddib markii hay’adaha federaalka Mareykanka ay baaritaan ku sameeyeen gurigeeda, isla markaana ay la wareegeen taleefankeeda iyo dukumentiyo gaar ah.
Obama oo si kulul uga hadlay dhacdooyinkan ayaa ka digay in ficillada noocan ah ay mustaqbalka caadi ka noqon karaan siyaasadda Mareykanka, isla markaana ay u gogol xaari karaan in madaxda dambe ay cadaadis ku saaraan siyaasiyiinta ay isku aragtida duwan yihiin.
Sidoo kale wuxuu sheegay in haddii tallaabada Trump ee ka dhanka ah Ilhan loo arko mid caadi ah, aysan jirin wax dammaanad qaadaya in aan isla habkaas loo adeegsan doonin siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah.
“Haddii weerarka Trump ee Ilhaan noqdo wax caadi ah, ma jirto wax dammaanad qaadaya inay ku ekaan doonto iyada oo keliya. Madaxweynaha soo socda habkan waxa uu ku bartilmaameedsan doonaa dadka ay siyaasadda isku khilaafsan yihiin,” ayuu yiri Obama.
Ilhan Omar, oo 44 jir ah, ayaa marar badan beenisay eedeymaha la xiriira khiyaano dhanka socdaalka ah, iyadoo ku tilmaantay weerarro siyaasadeed oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Trump.
Ilaa hadda wax dacwad dambiyeed ah laguma soo oogin xildhibaannadda, sidoo kalena hay’adaha baaritaanka ma soo bandhigin caddeymo dadweyne oo muujinaya inay dembi gashay.
Si kastaba, ha’ahaatee, Warbixintan cusub ayaa timid laba maalmood kaddib markii ciidamada federaalka Mareykanka ay baaritaan ku sameeyeen guriga Ilhaan Cumar ay ku leedahay magaalada Washington, halkaas oo ay Isniintii galeen saraakiil ka tirsan waaxda baarista dambiyada ee Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (HSI).
Xiisaddan ayaa sidoo kale kusoo beegmeysa xilli Mareykanku isu diyaarinayo doorashooyinka dhexe ee Kongareeska, oo dhacaya 3-da November, kuwaas oo Ilhaan ay ku dooneyso inay markii shanaad kursigeeda ku difaacato.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Barack Obama ayaa garab istaag buuxa u muujiyay Ilhan Omar oo ay haatan si wayn isku hayaan Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump, isagoo ka digay in siyaasiyiinta aragtida ka duwan la beegsado.
Qodobada muhiimka ah
- Barack Obama ayaa garab istaag buuxa u muujiyay Ilhan Omar oo ay haatan si wayn isku hayaan Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump.
- Obama ayaa ka digay in tallaabooyinka lagu beegsanayo siyaasiyiinta aragtida ka duwan maamulka ay mustaqbalka horseedi karaan in awoodda dowladda loo adeegsado loollanka siyaasadeed.
- Ilhan Omar, oo 44 jir ah, ayaa marar badan beenisay eedeymaha la xiriira khiyaano dhanka socdaalka ah, iyadoo ku tilmaantay weerarro siyaasadeed oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Trump.
- Ilaa hadda wax dacwad dambiyeed ah laguma soo oogin xildhibaannadda, sidoo kalena hay’adaha baaritaanka ma soo bandhigin caddeymo dadweyne oo muujinaya inay dembi gashay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada Barack Obama iyo Ilhan Omar iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Jawaab ka timid Madaxweynaha Trump ama maamulka ayaa maqan maqaalkan.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan baaritaanada ay hay'adaha federaalka ku sameeyeen Ilhan Omar.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladdan waxay muujinaysaa khilaafka siyaasadeed ee socda iyo cawaaqibka suurtagalka ah ee doodda siyaasadeed ee Mareykanka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay hay'adaha federaalka ka qaadeen Ilhan Omar?
- Sidee ayey xaaladdan u saameyn doontaa doorashooyinka soo socda?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka ka dhasha bayaannada Obama ee ku saabsan doodda siyaasadeed ee Mareykanka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha ka dhex jira siyaasiyiinta Mareykanka wuxuuna kor u qaadaya walaaca ku saabsan cawaaqibka ka dhasha beegsiga siyaasiyiinta iyadoo lagu saleynayo aragtidooda.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · wayn · omar · barack
Sii akhri
- Dibadbaxyo ay dhallinyaradu hoggaaminayaan oo ka socda dalal Yurub ah, iyagoo ka cabanaya in mustaqbalkooda la dayacay
Goobjoog Somali
- Faransiiska oo ay gilgileen rabshado iyo banaabaxyo waaweyn
Shabelle Media
- OIC oo Mar Kale Xaqiijisay Taageerada Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya
Goobjoog Somali