Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Jowhargeneral

Beesha Caalamka oo walaac xooggan ka muujisay xaaladda cakiran ee Soomaaliya

Jun 01(Jowhar) Beesha Caalamka, ayaa warsaxaafadeed wadajir ah waxay walaac ka muujinayaan xaaladda hadda ka taagan Soomaaliya, dalbay wada hadal deg deg ah, geedi socod Doorasho loo dhan yahay, hanaankana laga heshiiyo iyo Is afgarad waqtigan xasaasiga ah. “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay dib u bilaabaan wadahadalka sida ugu dhakhsaha badan, si degdeg ahna […]

SO
Beesha Caalamka oo walaac xooggan ka muujisay xaaladda cakiran ee Soomaaliya
Sawir / xog muuqaal ah · Jowhar
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Jowhar

Jun 01(Jowhar) Beesha Caalamka, ayaa warsaxaafadeed wadajir ah waxay walaac ka muujinayaan xaaladda hadda ka taagan Soomaaliya, dalbay wada hadal deg deg ah, geedi socod Doorasho loo dhan yahay, hanaankana laga heshiiyo iyo Is afgarad waqtigan xasaasiga ah.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay dib u bilaabaan wadahadalka sida ugu dhakhsaha badan, si degdeg ahna u gaaraan isafgarad ku saabsan hannaanka doorashada (roadmap), iyadoo loo eegayo danta dadka Soomaaliyeed. Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wadahaddalada ay Soomaalidu hogaaminayso, haddii la weydiisto” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wakiilada calaamiga ah ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya kujirto waqti xasaasi ah, ayna tahay in danta dalka al eego, lana helo Roadmap ama geedi socod doorasho Heshiis lagu yahay.

“Xilligan xasaasiga ah, waxaan ku dhiirrigelineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, ayna ka fogaadaan ficil kasta oo keeni kara in ay sii korodho xiisaddu”

Isha: Jowhar. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Jowhar
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralsoomaaliyawalaacbeesha
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.