War laga soo saaray xaaladda caafimaad ee Trump iyo sanad gudihiis oo la sheegay in…
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku jira “caafimaad jireed oo aad u wanaagsan,” sida lagu sheegay warqad uu soo saaray dhakhtarkiisa gaarka ah, kadib baaritaan caafimaad oo toddobaadkan loogu sameeyay Isbitaalka Militariga Qaranka ee Walter Reed. Warqadda oo uu Aqalka Cad sii daayay fiidnimadii Jimcaha ayaa waxaa qoray Kabtan Sean Barbabella, […] The

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku jira “caafimaad jireed oo aad u wanaagsan,” sida lagu sheegay warqad uu soo saaray dhakhtarkiisa gaarka ah, kadib baaritaan caafimaad oo toddobaadkan loogu sameeyay Isbitaalka Militariga Qaranka ee Walter Reed.
Warqadda oo uu Aqalka Cad sii daayay fiidnimadii Jimcaha ayaa waxaa qoray Kabtan Sean Barbabella, oo ah dhakhtarka madaxweynaha. Waxa uu sheegay in baaritaanka la sameeyay Talaadadii uu ahaa kii saddexaad ee Trump maro tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad.
Barbabella ayaa sheegay in baaritaanka lagu sameeyay madaxweynaha uu ka koobnaa tijaabooyin ballaaran oo shaybaar iyo kuwo ka hortag caafimaad ah, iyo sidoo kale la-tashiyo lala yeeshay 22 dhakhtar oo takhasusyo kala duwan leh, kana socday xarumo caafimaad iyo hay’ado waxbarasho oo waaweyn.
Dhakhtarka ayaa warqaddiisa ku sheegay in Trump uu muujiyay “waxqabad garasho iyo mid jir oo aad u wanaagsan,” islamarkaana uu si buuxda ugu habboon yahay gudashada dhammaan waajibaadka madaxweynenimo iyo kan taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan