Bola Tinubu oo Mar Kale Loo Magacaabay Musharaxa Madaxweynaha Nigeria
Abuja — Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Ahmed Tinubu, ayaa mar kale si rasmi ah loogu doortay inuu noqdo musharaxa madaxweyne ee xisbiga talada haya ee All Progressives Congress (APC), doorashada madaxtinimada ee dalkaasi la filayo inay dhacdo bisha Janaayo ee soo socota. Tinubu ayaa aqbalay guusha kadib markii uu kasoo gudbay doorashada hordhaca ah […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Abuja — Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Ahmed Tinubu, ayaa mar kale si rasmi ah loogu doortay inuu noqdo musharaxa madaxweyne ee xisbiga talada haya ee All Progressives Congress (APC), doorashada madaxtinimada ee dalkaasi la filayo inay dhacdo bisha Janaayo ee soo socota.
Tinubu ayaa aqbalay guusha kadib markii uu kasoo gudbay doorashada hordhaca ah ee xisbigiisa, waxaana la filayaa in si rasmi ah loogu caleemo saaro munaasabad ka dhacaysa magaalada Abuja.
Madaxweynaha ayaa ka adkaaday musharax kale oo keliya oo la tartamayay, kaas oo lagu magacaabo Stanley Osifo. Osifo ayaa la sheegay inuu bixiyay lacag dhan 100 milyan oo naira si uu ugu tartamo jagada musharaxa madaxweynaha.
Hoggaanka xisbiga APC ayaa ku tilmaamay geeddi-socodka doorashada mid muujinaya dimuqraadiyadda ka dhex jirta xisbiga.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan