Cali Cosoble oo ka digay qorshe ay damacsan yihiin Dabageed iyo Sanabloolshe
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirSHabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqyada ka socda Beledweyne, isaga oo si gaar ah ugu eedeeyay madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed iyo taliyihii hore ee NISA…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka digay qorshe ay damacsan yihiin Yuusuf Dabageed iyo Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan Beledweyne.
- Cosoble ayaa eedeeyay Dabageed iyo Sanbaloolshe in markii ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka waayeen wixii ay raadinayeen ay u dhaqaaqeen Beledweyne, si ay halkaas uga raadiyaan danahooda siyaasadeed.
- Cosoble ayaa ku baaqay in aan loo ogolaan inay dagaan xarunta gobolka.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirSHabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqyada ka socda Beledweyne, isaga oo si gaar ah ugu eedeeyay madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed iyo taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaaladaas oo xarun u ah Hiiraan.
Cali Cosoble ayaa ku eedeeyay Dabageed iyo Sanbaloolshe in markii ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka waayeen wixii ay raadinayeen ay u dhaqaaqeen Beledweyne, si ay halkaas uga raadiyaan danahooda siyaasadeed, isaga oo sidoo kale ku baaqay in aan loo ogolaan inay dagaan xarunta gobolka.
“Qorshaha Dabageed iyo Sanbaloolshe waa wixii ay Xasan Sheekh ka wayeen ayey B/weyne ka soo raadiyeen. Ujeedo kale ma laha ee yaan laga aqbalin iney xaunta gobolka dhax dagaan. Waxaad moodaa inuu Dabaged rabo inuu Cali Madaxweyne isku dilo,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee HirShabelle.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Cali Madaxweyne waxgaradkiisa waxaan kula talinayaa iney Dabageed ka saaraan xarunta gobolka. Beledweyne waa weyn tahay ee meeshii kale oo uu rabo ha ka dago laakin xarunta waa maya”.
Cosoble oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ujeeddada siyaasiyiintan ay tahay inay fowdo ka abuuraan Beledweyne, isla markaana ay fursad siyaasadeed ka dhex raadinayaan shacabka Hiiraan oo uu sheegay inay horay u dayaceen.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in siyaasiyiinta ay doonayaan in gobolka ay ka abuuraan xaalad qalqal iyo khilaaf ah, si ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu muujiyaan inay weli awood ku leeyihiin gobolka Hiiraan.
“Dabageed madaxweyne ku xigeenkii ayuu soo waayay ee yuusan idiin seex-seexan. Halka uu Sanbaloolshe Xasan Sheekh u diiday inuu Hirshabelle madaxweyne ka noqdo. Labadooda markey caariyeen wexey u soo jeesteen iney gobolka fowdo ka kiciyaan si ay Xasan Sheekh u tusaan iney labadooda heystaan Hiiraan. Yaan la aqbalin owr kacsiga nimanka ilma adeerka ah ee isku ujeedadana ah. Labadooda wexey sameeyeen shan sano ee la soo dhaafay waad ogtihiin haddana shan sano kale ayey rabaan iney madaxa idinka fuulaan,” ayuu mar kale yiri Cali Cosoble.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli beesha Xawaadle ay muddooyinkii dambe dooneysay inay hesho xilka ugu sarreeya ee HirShabelle, waxayna haatan si adag u diidan tahay go’aanka uu xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh uu musharaxa u siiyay Cali Guudlaawe oo haatan hoggaamiya maamulka.
The post Cali Cosoble oo ka digay qorshe ay damacsan yihiin Dabageed iyo Sanabloolshe appeared first on Caasimada Online .
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqyada Yuusuf Dabageed iyo Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ee Beledweyne.
Qodobada muhiimka ah
- Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka digay qorshe ay damacsan yihiin Yuusuf Dabageed iyo Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan Beledweyne.
- Cosoble ayaa eedeeyay Dabageed iyo Sanbaloolshe in markii ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka waayeen wixii ay raadinayeen ay u dhaqaaqeen Beledweyne, si ay halkaas uga raadiyaan danahooda siyaasadeed.
- Cosoble ayaa ku baaqay in aan loo ogolaan inay dagaan xarunta gobolka.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in beesha Xawaadle ay muddooyinkii dambe dooneysay inay hesho xilka ugu sarreeya ee HirShabelle, waxayna haatan si adag u diidan tahay go'aanka uu xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh uu musharaxa u siiyay Cali Guudlaawe
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu si weyn u muujinayaa aragtida Cali Cabdullahi Cosoble iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Yuusuf Dabageed ama Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku jirta maqaalka.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
Gunaanadka akhristaha
Digniinaha Cali Cabdullahi Cosoble waxay muujinayaan xiisadaha siyaasadeed ee suurtagalka ah ee ka jira Beledweyne oo ay ku lug leeyihiin shaqsiyaadka muhiimka ah ee HirShabelle.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay damacsan yihiin Dabageed iyo Sanbaloolshe?
- Sidee beesha Xawaadle u qorsheynaysaa inay uga falceliso xaaladda siyaasadeed?
- Maxay yihiin saameynta digniinaha Cosoble ee ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee HirShabelle?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · digay · dabageed · cosoble
Sii akhri
- Dabageed oo diiday inuu la shaqeeyo Cali Guudlaawe haddii uu mar kale noqdo madaxweynaha Hirshabeelle
Hiiraanweyn
- Hirshabeelle: Himilo, Hoggaan iyo Horumar — Fursadda Cusub ee Madaxweyne Cali Guudlaawe
Goobjoog Somali
- Madaxweyne Guudlaawe oo Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah Siyaasadda Beesha Xawaadle.
Hiiraanweyn