Calmiskaad: Daacish oo weerartay qoyska sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland
Ururka Daacish ayaa xalay weeraray qoys degan deegaanka Kayaxa oo u dhow tuulada Sheebaab ee degmada Qandala, kaas oo uu… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Ururka Daacish ayaa xalay weeraray qoys degan deegaanka Kayaxa oo u dhow tuulada Sheebaab ee degmada Qandala, kaas oo uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland.
Guri ay hurdeen saddex carruur ah oo yaryar, hooyadood iyo ayeeyadood oo jaban ayaa lagu weeraray rasaas iyo bombooyinka gacanta laga tuuro, sida uu sheegay taliyaha horinta Daljir ee ciidanka daraawiishta Puntland Siciid Cali Orshe oo ah aabaha qoyska.
Weerarka Daacish ayaa gaysan wax khasaare nafeed ah, waxaase uu sababay burbur hantiyeed, sida ka muuqatay muuqaal laga duubay guriga iyo qoyska.
Taliye Siciid Orshe ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay goobta soo gaareen wararka oo socdo, balse ay baxsadeen kooxdii weerarka soo qaaday oo xusay in lagu raad joogo.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · daacish · qoyska · calmiskaad
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada