Maleeshiyaad DCSH ah oo weerar ku qaaday guri qoys oo ku yaalla deegaanka Kayaxa
Qandala, 20 Sebteembar 2026: Maleeshiyaad ka tirsan DCSH ayaa weerar ku qaaday guri qoys degan deegaanka Kayaxa, oo u dhow tuulada Sheebaab ee magaalada Qandala, kaas oo la sheegay inuu…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Qandala, 20 Sebteembar 2026: Maleeshiyaad ka tirsan DCSH ayaa weerar ku qaaday guri qoys degan deegaanka Kayaxa, oo u dhow tuulada Sheebaab ee magaalada Qandala, kaas oo la sheegay inuu lahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Weerarka ayaa lagu qaaday xilli guriga ay ku jireen saddex carruur ah oo yaryar, hooyadood iyo ayeeyadood. Sida uu sheegay Siciid Cali Oorshe oo ah aabbaha qoyska, maleeshiyaadka ayaa guriga ku weeraray rasaas iyo bambooyin gacanta laga tuuro.
Siciid Oorshe ayaa sheegay in weerarka uusan sababin wax khasaare nafeed ah, balse uu sababay burbur hantiyeed iyo waxyeello soo gaartay guriga, taas oo ka muuqatay muuqaal laga duubay goobta iyo xaaladda qoyska.
Waxa uu intaa ku daray in ciidamada Puntland ay goobta soo gaareen xilli uu weerarku socday, kaddibna ay bilaabeen baacsiga kooxdii weerarka fulisay.
Sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada ay raad joogaan kooxdii weerarka soo qaaday, iyadoo aan weli si rasmi ah loo faahfaahin cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta loo beegsaday guriga.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli deegaano ka tirsan gobolka Bari ay ka jiraan xaalado amni oo la xiriira howlgallada iyo iska horimaadyada kooxaha hubeysan iyo ciidamada Puntland.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qoys · maleeshiyaad · dcsh
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada