CAWAD oo si cajiib ah uga fal-celiyay khudbaddii Saciid DENI
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiAxmed Ciise Cawad ayaa dhaleeceeyay khudbaddii Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ee Baarlamaanka Puntland, isagoo sheegay in ay ka marnayd xog la isku hallayn karo oo aanay bixin xog la filayay oo ku saabsan arrimo kala duwan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cawad oo kamid ah musharixiintii horay ula loolamay Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in khudbaddiisa ay ka marnayd xog la isku hallayn karo, isaga oo soo bandhigay qodobo muhiim ah iyo waxyaabo uu sheegay in laga filayay, balse uu ka tego Madaxweynaha.
- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa warbixintiisa ciwaan uga dhigay “Qiimeynta Khudbaddii Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ka jeediyey kalfadhigii 59aa ee Golaha Wakiillada Puntland, maanta oo ah 25 October 2026”.
- Madaxweyne Deni wuxuu khudbaddiisa ku sheegay inuu ka warbixinayo xaaladda ay Puntland ku sugan tahay iyo guud ahaan tan Soomaaliya.
- Filashadaas waxay ahayd mid lagu hingoobay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay xogta gaarka ah ee Cawad ka filayay khudbadda Deni?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Axmed Ciise Cawad ayaa dhaleeceeyay khudbaddii Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ee Baarlamaanka Puntland, isagoo sheegay in ay ka marnayd xog la isku hallayn karo.
- Cawad ayaa tilmaamay in khudbadda Deni aysan bixin xog la filayay oo ku saleysan tirakoob cilmiyeysan oo ku saabsan xaaladda dhaqaale, bulsho, siyaasad iyo amni ee Puntland.
- Cawad ayaa sheegay in sheegashada Deni ee ku saabsan horumarada amniga iyo qorista ciidanka ay ka hor imaanayaan warbixinno ka yimid ganacsato reer Puntland.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa si cajiib ah uga fal-celiyay khudbaddii uu shalay Baarlamaanka Puntland ka jeediyay Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda maamulkaas iyo guud ahaan tan Soomaaliya.
Cawad oo kamid ah musharixiintii horay ula loolamay Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in khudbaddiisa ay ka marnayd xog la isku hallayn karo, isaga oo soo bandhigay qodobo muhiim ah iyo waxyaabo uu sheegay in laga filayay, balse uu ka tego Madaxweynaha.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa warbixintiisa ciwaan uga dhigay “Qiimeynta Khudbaddii Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ka jeediyey kalfadhigii 59aa ee Golaha Wakiillada Puntland, maanta oo ah 25 October 2026”.
Madaxweyne Deni wuxuu khudbaddiisa ku sheegay inuu ka warbixinayo xaaladda ay Puntland ku sugan tahay iyo guud ahaan tan Soomaaliya. Sidaa darteed waxaa la filayey warbixin ku dhisan xog-ururin lagu saleeyay tirakoob cilmiyeysan ee xaaladda dhaqaale, bulsho, siyaasad iyo amni ee Puntland.
Filashadaas waxay ahayd mid lagu hingoobay. Khudbadduna wey ka marnayd xog la isku hallayn karo. Si aan taas uhubinno aan isla fiiriinno wuxuu Madaxweynuhu inoo sheegay iyo wuxuusan inoo sheegin.
Wuxuu inoo sheegay waxaa ka mid ahaa, tusaale ahaan:
In Puntland horumar ballaaran gaartay.
In ciidan badan la qoray lana tababaray.
In ciidammo HSM soo abaabulay meesha laga saaray.
In hub sidasho la mamnuucay oo amni ballaaran jiro.
In burcad-badeed lasoo afjaray.
In jidad badan la dhisay sida kuwa Garoowe. Qaar kalena lawado dhismahooda sida kan isku xira Gaalkacyo iyo Xaraf, iyo kan Ceel Daahir.
In shaqaalaha mushaarkooda la bixiyo.
In colaad beelaha qaarkood ah la xalliyey.
Inuu booqday Mudug, Bari iyo Raas Casayr tabashooyinkoodiina wax laga qabtay, qaar kalena la dersayo.
Inuusan samayn doonin wax mustaqbilka dowladnimada Puntland ku saabsan isagoon dadka kala tashan.
In HSM dowladnimadii Soomaaliya khatar galiyey.
In dadka Soomaaliyeed katashadaan khatar HSM Soomaaliya galiyey.
Waxa uusan inoo sheegin:
In Puntland marayso meeshii ugu xumayd dhaqaale ahaan intii Puntland jirtay (sida ay ii sheegeen ganacsato reer Puntland).
2.Tirada ciidanka la qoray iyo kuwa la tababaray.
In ciiddammada uu sheegayo oo qaar la laayey, qaarna la heshiiyey ay ahaayeen ciiddammo jiritaankoodu ay ka horreeyeen maamulkiisa iyo kan HSM labada. HSM ka horna dagaal ku dhexmaray Boosaaso iyo Garoowe. Sababta hadda loo weerarayna ay tahay mid siyaasadeed ee aysan ahayn mid amni.
In go’aannada mamnuucidda hubku ay tahay cabburin siyaasadeed ee aysan ahayn dhowridda sharciga iyo amnig. Dad badan oo reer Puntland ahna darteed ugu dhinteen Boosaaso, Qardho iyo Gaalkacyo.
In dagaalka burcad-badeedka lagu dilay dad aan burcad-badeed ahayn.
In jidadka Garoowe lagu dhisay lacag Bangiga Adduunka (World Bank) oo soo socotay 10 sano iyo $1 oo laga qaado dadka reer Garoowe. Jidka Ceel-Daahir waxaa lasoo bilaabaywaqtigii maamulkii Cabdiweli Gaas, lacagta lagu dhisayana waxaa lagaa qaadaa gaadiidka shacabka Puntland.
Inaan ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ah aysan si joogta ah uhelin mushaarkooda.
In kalsooni darrada udhaxaysa beelaha Puntland ay marayso meeshii ugu xumayd si colaaddii maalin dhawayd ka dhacday Qardho ay muujinayso.
Socdaalladiisii Imaaraadka iyo Kenya natiijadoodii.
In Puntland go’doon uga jirto Soomaaliya inteeda kale iyo inuu isagu gacan weyn ku lahaa doorashada HSM.
Ugu dambayntii, khudbadda Madaxweyne Deni waxaa ku jira saddex qodob oo muhiim ah, rajo fiicanna leh haddii uu hirgalintooda si dhab uga shaqeeyo. Saddexda qodob waa:
In maamulkiisu dadka reer Puntland kala tashanayo arrimaha muhiimka u ah mustaqbalka Puntland.
In HSM khatar ku yahay dowladnimda Soomaaliya. Ka hortagiisana si dhab ah la isaga kaashado.
In dadka Soomaaliyeed isugu yimaadaan wadatashi ku saabsan sidii looga hortagi lahaa khatar HSM ku yahay dowladnimada Soomaaliya – haddii loo baahdana Puntland martigaliso
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Axmed Ciise Cawad ayaa dhaleeceeyay khudbaddii Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ee Baarlamaanka Puntland, isagoo sheegay in ay ka marnayd xog la isku hallayn karo oo aanay bixin xog la filayay oo ku saabsan arrimo kala duwan.
Qodobada muhiimka ah
- Axmed Ciise Cawad ayaa dhaleeceeyay khudbaddii Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ee Baarlamaanka Puntland, isagoo sheegay in ay ka marnayd xog la isku hallayn karo.
- Cawad ayaa tilmaamay in khudbadda Deni aysan bixin xog la filayay oo ku saleysan tirakoob cilmiyeysan oo ku saabsan xaaladda dhaqaale, bulsho, siyaasad iyo amni ee Puntland.
- Cawad ayaa sheegay in sheegashada Deni ee ku saabsan horumarada amniga iyo qorista ciidanka ay ka hor imaanayaan warbixinno ka yimid ganacsato reer Puntland.
- Cawad ayaa sheegay in go'aannada mamnuucidda hubku ay tahay cabburin siyaasadeed ee aysan ahayn dhowridda sharciga iyo amnig.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaab ka timid Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.
- Sheegashooyinka Cawad ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku wuxuu si weyn u tiirsan yahay hadallada Cawad iyada oo aan la helin ilo kale.
Gunaanadka akhristaha
Dhaleeceynta Cawad waxay muujinaysaa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee Puntland ku saabsan maamulka iyo mas'uuliyadda.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay xogta gaarka ah ee Cawad ka filayay khudbadda Deni?
- Sidee ayey siyaasiyiinta kale ee Puntland u arkaan maamulka Deni?
- Waa maxay saameynta dhaleeceynta Cawad ku leedahay siyaasadda Puntland?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · cawad · fal · celiyay