Ciidanka Xoogga oo dagaal culus ku galay Jabad Carbeyd
Ciidanka Xoogga oo dagaal culus ku galay Jabad Carbeyd Jabad Carbeyd, 30 May 2026 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Hogaamiyeyal AS ka fuliyay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ujeedku ahaa xoojinta amniga iyo ka hortagga dhagarta uu ku dhuumaaleysanaa qeybo ka mid […] The post Ciidanka Xoogga oo daga
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ciidanka Xoogga oo dagaal culus ku galay Jabad Carbeyd
Jabad Carbeyd, 30 May 2026 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Hogaamiyeyal AS ka fuliyay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ujeedku ahaa xoojinta amniga iyo ka hortagga dhagarta uu ku dhuumaaleysanaa qeybo ka mid ah gobolka.
Howlgalladan oo ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Gorgor – gaar ahaan Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad, Qaybta 1-aad – ayaa ka mid ah istaraatiijiyadda cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee lagu xakameynayo hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab. Tani waxay muhiim u tahay xilligan, maadaama hoggaamiyeyaashu ay wali ka joogto deegaanno badan oo Shabeellaha Dhexe ah, kana carqaladeynayo nabadda iyo xasilloonida shacabka.
Taliyaha Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad Kumaandooska Gorgor, Dhamme Maxamed Cumar Duufaan, ayaa sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Radio Dalsan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan