Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay tallaabadii Muungaab
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo maanta soo saaray bayaan culus ayaa si weyn usoo dhaweeyay qorshaha dib u dejinta ee uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab). Duqa Muqdisho ayaa maalin kahor sheegay in tallaabadan la fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo […] The
Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay qorshaha dib u dejinta ee uu ku dhawaaqay Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Maxaa la shaaciyey
- Duqa Muqdisho ayaa sheegay in 1,058 boos oo dhul ah la iibin doono dadka ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta.
- Culimada ayaa taageertay qorshaha dib u dejinta, waxayna u arkaan mid looga jawaabayo talooyinkoodii.
- Culimada ayaa ku booriyay maamulka in dib-u-dejinta lagu saleeyo xaqiijin iyo diiwaangelin dhab ah.
Macnaha guud
Qorshahan dib u dejinta ayaa ka dambeeya amarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
““Waxaan si gaar ah u soo dhoweynaynaa qorshaha dowladda hoose ee Xamar ugu diyaarisay deegaanka Gubadley ilaa kun boos oo la dejinayo muwaadiniinta ay saameeyeen hawlaha dib-u-qaabaynta.””
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan tallaabooyinka la qaaday si loo caawiyo dadka danyarta ah iyo qoysaska nugul.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo maanta soo saaray bayaan culus ayaa si weyn usoo dhaweeyay qorshaha dib u dejinta ee uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Duqa Muqdisho ayaa maalin kahor sheegay in tallaabadan la fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo jihaynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo faraysa in hawlaha qurxinta caasimaddu ay barbar socoto ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed
Sidoo kale, wuxuu timaamay in 1,058 boos oo dhul ah uu maamulka u iibiyey dadka ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta, kuwaas oo si lacag la’aan ah loogu wareejinayo qoysaska guryahoodu ku waayay hagaajinta xaafadaha isku-raranka ah (OBASIIBOOYINKA) ee caasimada.
Intaas kadib warsaxaafadeed maanta kasoo baxay Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu taageeray tallaabada guddoomiyaha gobolka, iyadoo culimadu sheegeen in arrintan ay u arkaan mid looga jawaabayo talooyinkii iyo dardaarankii ay ugu jeediyeen maamulka, gaar ahaan baaqii ahaa in loo turo dadka danyarta ah iyo qoysaska nugul ee duruufaha adag ku nool, lana dhowro karaamadooda iyo xuquuqdooda muwaadinimo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.