Cumar Cabdirisaaq oo soo hadlay, sheegayna in aan laga eryin Isbaheysiga ee…
Warka oo kooban
30 ilbiriqsiCumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa sheegay in uu si ikhtiyaari ah iskaga casilay xilkii Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga 23 September 2026.
Qodobbada muhiimka ah
- Sidoo kale waxa uu sheegay in is-casilaadiisu timid kaddib markii uu diiday jihada maamulka iyo siyaasadda ee Isbaheysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran uu qaatay.
- “Go’aankaygu wuxuu ku salaysan yahay: In Isbaheysiga siyaasadeed loo weeciyay hannaan NGO, taas oo ka fog jihadii iyo ujeeddadii loo aas-aasay.
- Cumar ayaa hoggaanka Isbaheysiga ku eedeeyay in uu sidiisa u gudan waajibaadkiisa iyo mas’uuliyad aan si hufan looga warqabin xaaladda gudaha ee Isbaheysiga.
- Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Cumar ayaa diiday jihada maamulka iyo siyaasadda ee Isbaheysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran.
- Is-casiladiisa ayaa timid kaddib markii uu ka biyo diiday in kulan siyaasadeed loo beddelo bandhig warbixin sannadeedka Heritage.
- Cumar ayaa ku eedeeyay hoggaanka Isbaheysiga in aanay si hufan u gudan waajibaadkooda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo xalay Guddoomiyaha Isbaheysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran, Danjire Cabdiraxmaan Caynte uu sheegay inuu ka qaaday xilkii Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga ayaa sheegay in aan laga eryin Isbaheysiga ee uu is-casilay.
Cumar ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu si ikhtiyaari ah iskaga casilay xilkii Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga Arbacadii oo ay taariikhdu aheyd 23 September 2026.
Sidoo kale waxa uu sheegay in is-casilaadiisu timid kaddib markii uu diiday jihada maamulka iyo siyaasadda ee Isbaheysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran uu qaatay.
“Go’aankaygu wuxuu ku salaysan yahay: In Isbaheysiga siyaasadeed loo weeciyay hannaan NGO, taas oo ka fog jihadii iyo ujeeddadii loo aas-aasay. Arrintii ugu dambeysay waxay ahayd in kulan siyaasadeed loo beddelo bandhig warbixin sannadeedka Heritage, taas oo aan si cad uga biyo diiday,” ayuu yiri.
Cumar ayaa hoggaanka Isbaheysiga ku eedeeyay in uu sidiisa u gudan waajibaadkiisa iyo mas’uuliyad aan si hufan looga warqabin xaaladda gudaha ee Isbaheysiga. “Isbaheysi siyaasadeed ma aha mashruuc shaqsiyeed, NGO ama madal dano gaar ah lagu maamulo. Waa inuu yeeshaa jiho siyaasadeed oo cad, hoggaan masuul ah iyo hannaan isla xisaabtan oo hufan.”
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:
Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay.
Waxaan si cad u xaqiijinayaa in aan si ikhtiyaari ah iskaga casilay xilkii Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga, Arbacadii oo ay taariikhdu aheyd 23 September 2026 kaddib markii aan diiday jihada maamulka iyo siyaasadda ee Isbaheysigu qaatay.
Go’aankaygu wuxuu ku salaysan yahay:
In Isbaheysiga siyaasadeed loo weeciyay hannaan NGO, taas oo ka fog jihadii iyo ujeeddadii loo aas-aasay. Arrintii ugu dambeysay waxay ahayd in kulan siyaasadeed loo beddelo bandhig warbixin sannadeedka Heritage, taas oo aan si cad uga biyo diiday.
Faragelin iyo khilaafaad gudaha ah, oo ay ku jiraan kala aragti duwanaansho aan la yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiinta.
Hoggaan siyaasadeed oo aan gudan waajibaadkiisa, iyo masuuliyad aan si hufan looga warqabin xaaladda gudaha ee Isbaheysiga.
Hannaanka warbixinta iyo maamulka oo aan u arkay in uu dhaawacayo madax-bannaanida xubnaha iyo isla xisaabtanka siyaasadeed.
Isbaheysi siyaasadeed ma aha mashruuc shaqsiyeed, NGO ama madal dano gaar ah lagu maamulo. Waa inuu yeeshaa jiho siyaasadeed oo cad, hoggaan masuul ah iyo hannaan isla xisaabtan oo hufan.
Gabagabadii, waxaan xaqiijinayaa in aan si madax-bannaan uga baxay Isbaheysiga ka dib xaaladihii aan u arkayay in ay ka hor imaanayaan mabaadi’dayda iyo himiladayda siyaasadeed.
Waxaan doorbidayaa in aan ilaashado sharaftayda, mabda’ayga iyo aragtideyda siyaasadeed.
Wabillaahi Towfiiq
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · eryin · cumar · cabdirisaaq
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚
Goobjoog Somali
- Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka
Goobjoog Somali
- Fahad Yaasiin oo cambaareeyey dhimista lacaga loo qoondeeyo Askarta dhimatay
Raxanreeb Online