Daawo: Jahwareer ka dhashay Dastuurkii 2012 iyo kan cusub oo ka taagan BF
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiXildhibaan Gobsan Muxumed ayaa dood ka abuuray Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku saabsan dastuurka dalka, iyadoo la isku khilaafsan yahay Dastuurkii KMG ahaa ee 2012 iyo dastuurka cusub ee la ansixiyay.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayGobsan ayaa soo bandhigtay su’aal ay sheegtay inay muhiim u tahay shaqada Baarlamaanka, taas oo ku saabsan in dalka uu weli ku shaqeynayo Dastuurkii KMG ahaa ee 2012 ama inuu si buuxda ugu gudbay dastuurka cusub ee dhawaan ay ansixiyeen labda Aqal.
- “Xildhibaanka mucaarad ama muxaafad ha ahaado, waxaa noo dhexeeya waa sharci.
- Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in khilaafka ka taagan ku dhaqanka dastuurka uu si toos ah u saameynayo sharciyada la horgeynayo Baarlamaanka, iyadoo xustay inay muhiim tahay in la caddeeyo dastuurka dalka oo saldhig u ah nidaamka sharci ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowladda.
- Go’aan la gaarayXildhibaanadda ayaa sidoo kale su’aal gelisay mowqifka xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan dastuurka cusub, maadaama ay si buuxda ula socotay geeddi-socodkii lagu ansixiyay wax ka beddelka Dastuurkii 2012.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Gobsan Muxumed ayaa su'aal gelisay in Baarlamaanka uu ku shaqeynayo Dastuurkii 2012 ama dastuurka cusub ee 2026.
- Waxay xustay in khilaafka dastuurka uu saameynayo sharciyada la horgeynayo Baarlamaanka.
- Xildhibaan Gobsan ayaa ku baaqday in arrinta dastuurka si rasmi ah loo caddeeyo si looga saaro jahwareerka ka dhex jira Baarlamaanka.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Gobsan Muxumed ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dhex abuurtay dood xooggan oo ku saabsan dastuurka dalka, xilli uu muuqdo is-qabqabsi wayn oo ka taagan arrimaha dastuurka, kuwaas oo hareeyay golaha dhexdiisa.
Gobsan ayaa soo bandhigtay su’aal ay sheegtay inay muhiim u tahay shaqada Baarlamaanka, taas oo ku saabsan in dalka uu weli ku shaqeynayo Dastuurkii KMG ahaa ee 2012 ama inuu si buuxda ugu gudbay dastuurka cusub ee dhawaan ay ansixiyeen labda Aqal.
“Xildhibaanka mucaarad ama muxaafad ha ahaado, waxaa noo dhexeeya waa sharci. Haddii sharciyaddii muran ku jirto, ihaano ayay ku tahay Baarlamaanka, guddoomiye waxaa la rabaa dastuurka lagu murmayo muddo bil ah in aad caddeyso, ma Dastuurkii 2012 mise waxaa ku jirnaa Dastuurkii 2026 ee la ansixiyay?” ayay tiri Xildhibaan Gobsan.
Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in khilaafka ka taagan ku dhaqanka dastuurka uu si toos ah u saameynayo sharciyada la horgeynayo Baarlamaanka, iyadoo xustay inay muhiim tahay in la caddeeyo dastuurka dalka oo saldhig u ah nidaamka sharci ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowladda.
Xildhibaanadda ayaa sidoo kale su’aal gelisay mowqifka xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan dastuurka cusub, maadaama ay si buuxda ula socotay geeddi-socodkii lagu ansixiyay wax ka beddelka Dastuurkii 2012.
Waxaa kale oo ay Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisa ka dalbatay inay si cad u kala saaraan Dastuurkii 2012 iyo dastuurka cusub, iyadoo sheegtay in sharciyada Baarlamaanka la horkeeno ay weli ku xiran yihiin qodobo ka tirsan Dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa.
“Xukuumadda oo markii Dastuurka la ansixinayay aan ogeyn, waxa aad ka qabateen Ra’iisul Wasaare, adiga iyo Golahaaga Wasiirrada, ma is ogtihiin mise in la isku kiin sheegaa rabtaan?. Laba soo kala saara Dastuurkii la ansixiyay iyo system-kan maanta jooga ee is khilaafaya. Sharci kasta oo la keenaa wuxuu ku lifaaqan yahay Dastuurkii 2012-kii,” ayay mar kale tiri Xildhibaannaddu.
Ugu dambeyn, waxay ku baaqday in arrinta Dastuurka si rasmi ah loo caddeeyo, si meesha looga saaro jahwareerka ka dhex jira Baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya, loona helo hannaan sharci oo ay ku wada shaqeeyaandhammaan dhinacyada dowladda.
Si kastaba, Doodda Xildhibaan Gobsan ayaa kusoo aadeysa xilli haatan Baarlamaanka uu wajahayo dooddo la xiriira saldhigga dastuuriga ah ee sharciyada iyo nidaamka dowladeed, iyadoo ay weli ay taagan yihiin su’aalo ku saabsan sida la’isku waafajinayo dastuurka cusub iyo habraacyadii hore ee dalka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · taagan · 2012 · dastuurkii
Sii akhri
- Khayre oo digniin culus kasoo saaray xiisadda ka taagan Muqdisho
Caasimada Online
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada
Goobjoog Somali
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan la Qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada
Shabelle Media